Idinka oo ah dadyoowga gobolka Östergötland ku cusub, waxaan idin leenahay ku soo-dhowaada gobolkayga. Goobta Internetkan waxaa loogu talagalay dadyoowga adigoo kale ah oo dalka Iswiidan ku cusub. Waxaa goobtan ka akhrisan karta warbixin guud ahaan ku saabsan dalka Iswiidan iyo gaar ahaan gobolka Östergötland.Waxaan rajeynayna in aqoon dheeraad ah oo ku saabsan gobolka Östergötland aad ka hesho goobtaan Internetka ah. Gacan furan ku soo-dhowaada, gacan furan ku raadsada warbixin! Ku saabsan gobolka Östergötland
Gobolka Östergötland wuxuu ka tirsan yahay 21 gobollo ee dalka Iswiidan. Gobolka Östergötland waxaa ku nool 416 000 qof, kuwaasoo ku nool 13 degmo kala duwan. Linköping iyo Norrköping waxay ka tirsan yihiin magaalooyinka gobolka. Waa magaallo waawayn oo leh wax kasta oo magaallo wayn laga filanaayo, sida suuqa shaqada ballaaran iyo dhaqdhaqaaq dhaqaameed heer sare ah.
Motala, Finspång iyo Mjölby waa degmooyin waawayn oo leh adeegyo kala duwan oo badan. Waxayna leeyihiin suuq shaqo wayn oo gaar ah, maadaama warshado muhim ah ay ku yaalin.
Söderköping iyo Åtvidaberg waa degmooyin dhexe, oo midkiiba u dhow magaallo wayn sida Norrköping iyo Linköping oo leh is-gaarsiinta gaadidka heer sare ah.
Gobolka Östergötland wuxuu leeyahay tiro degmooyin yaryar oo dhexe, sida degmooyinka Valdemarsvik, Ödeshög, Boxholm, Vadstena, Ydre iyo Kisa oo midkiiba musaafo u jira labada magaallo oo waawayn. Degmooyinkaas waxay leeyihiin suuq shaqo iyaga u gaar ah, laakinse shaqo u tegida magaallooyinka waa wayn Norrköping ama Linköping waa fursad jirta.
Xiriiriyaasha
Dhinaca bidixda waxaad ka dooran karta goobaha aad doonayso in warbixin dheeraad ka akhrisato, iyo xiriiriyeyaal kale oo xulan oo laga helo goobta Internetyo kale iyo warbixin dheeraad. Badi ahaan waxaa lagu xiriya bog kale oo ku qoran luqada aad dooratay, haddii kale waxaa lagu xiraya bog ku qoran luqada iswiidishka.Waxa ku xulan xiriiriyeyaal goobta Internetka iwm oo anaga ku qiimanynay in ay muhim arrintan u yihiin, iyado ay sheegan in ay ka tirsan yihiin dhamman bogyada warbinta.