Hab-dhiska siyaasadda dalka Iswiidan (Det svenska politiska systemet)
Dalka Iswiidan waa dal dimuqrati ah shicibka iswiidan ayaa doorta dadyoowgadalka Iswiidan u talin doono. Doorashada waxay dhacda afartii sano ba hal jeer.Taliska dalka Iswiidan wuxuu leeyahay saddex heer oo kala duwan:
1. Mid waa heer qarmeed oo baarlamaanka u taliyo.
2. Mid kalena waa heer goboleed. Dalka Iswiidan wuxuu u qaybsan yahay 21 gobollo, kuwaaso u taliyaan gole-goboleediyo landstingsfullmäktige.
3. Degmooyinka waxaa u taliyo gole-degmooyin kommunfullmäktige.
Dadyoowga jinsiyadooda iswiidiska ah ee 18 sano buuxsaday
Waxay u codayn karaan baarlamaanka, talis-goboleedka iyo taliska-degmooyinka.
Dadyoowga dalka Iswiidan ku nool
oo weli jinsiyada qaadan
waxay u codayn karaan taliska-degmooyinka.
Haseyeeshe, qofku wuxuu doorashada taliska-degmooyinka
ka qaybgeli kara haddii saddex sano u dalka Iswiidan
ka diiwan gashana.
Doorashada dalka Iswiidan waa xur.
Qofna qofka kale kuma amri karrto qaabka
u codkiisa u bixinaayo.
Qaabka codbixinta waa qaab qarsoon
u ma baahnid inaad qof kale wargeliso
sida aad u codbixisay.
Codbixinta waa codbixin toos ah.
Waxaad codkaaga siinaysa siyaasiyiinta
aad doonayso in ay dalka u taliyaan.
Dalka waxaa heer-qarmeed u taliyo baarlamaanka iyo dowladda (På nationell nivå styr riksdag och regering)
Baarlamaanka (Riksdagen)
Baarlamaanka ayaa dejiya xeerarka dalka Iswiidan. tirada xubnada baarlamaanka waa 349, kuwaasoka tirsan xisbiyo kala duwan. Xisbi-siyaaseedkii hela codad garaya ugu yaraan boqolkiiba 4 ayaa boos ka heli kara baarlamaanka. Go´aamada baarlamaanka waxay ku salaysan yihiin codbixin. Go´aanku wuxuu hirgeli kara haddii in ka badan boqolkiiba qontonmudaneyaasha ay raali ka yihiin go´aanka. Baarlamaanka wuxuu kalo kormeera dhammaan hawlgalada dowladda.Dowladda (Regeringen)
Dowladda waxaa dhisi karo xisbigii ama xisbiyadii helay codadkii baarlamaankaugu tiro badna. Dowladda ayaa dalka Iswiidan u talisa. Baarlamaanka wuxuu doorta madaxa dowladdaKaasoo noqda ra´iisul wasaara. Ra´iisul wasaaraha ayaa wasiirada doorta. Wasiir kasta wasaarad ayuu madax u yahay. Tusaale ahaan wasiirka arrimaha dibada wuxuu madax u yahaywasaarada arrimaha dibada.Wasiirka dhaqaalaha wuxuu madax u yahay wasaarada dhaqaalaha. Dowladda waxay baarlamaanka u soo jeedisa talooyinka sharciyada cusub. Baarlamaanka wuxuu u codeeya taladaas,taasoo aqbalid ama diidmo noqon karto. Haddii xildhibanada baarlamaanka badidooda ay talada aqbalaan wasaaradaha iyo hey´adda aha dowlada waxay u hawlgalyaan sidiisharciyada cusub loo hirgelin laha.Dalka waxaa heer-goboleed u taliya Goleha gobolka
länsstyrelsen
iyo
landstingsfullmäktige
(På regional nivå styr länsstyrelsen och landstingsfullmäktige)
Gobollada dalka Iswiidan oo tiradooda ah 21 wuxuu midkiiba leeyahay Goleha gobolka kaasoo dowladda u shaqeeya.Dowladda waxay doorata duq-goboleed landshövdingoo u taliya Goleha gobolka länsstyrelsen. Gobol kasta wuxuu leeyahay hal goleha dowlad hooseed.
Landstinget waxay abaabusha daryeel-caafimaadeedka gobolka.
Dadyoowga jinsiyada dalka Iswiidan haysta waxay dooranayaan
Xildhibaanada landstingsfullmäktige.
Landstingsfullmäktige wuxuu dooranaya en landstingsstyrelse
oo maamuli doono hawlaha talis-goboleedka.
Heer-degmeed waxaa u taliyo (På lokal nivå styr kommunfullmäktige)
Dalka Iswiidan wuxuu leeyahay degmooyin tiradooda ah 290. Shicibka degmooyinka ku nool waxay dooranayaan xildhibaadada degmada kommunfullmäktige. Xildhibaanada degmada waxay u taliyaan degmooyinka, waxay doortaan maamulka degmada. Xisbiga ugu boos badan ayaa helayo boosaska ugu badan ee maamulka degmada. Maamulka degmada wuxuu mas´uul ka yahay helida dugsiyada, xannaanada waayeelka, adeegga arrimaha bulshada iyo qaabilaadda qaxootida. Qofkii dalka Iswiidan muddo saddex ku lahaa ruqsada degenaanshada joogtada ah, wuxuu u codayn karaa siyaasiyiinta kommunfullmäktige.Saldhigga xeerarka dalka Iswiidan (Sveriges grundlagar)
Saldhigga xeerarka dalka Iswiidan waa afarkuwaaso ku qoran sida dalka Iswiidan loogu taliyo iyo waxyaalaha shicibka u xaq ugu leeyahay. Afarta saldhig ee xeerarka waa Qaab-dowladeedka Xeerka hab-dhaxalka boqortooydaXeer-dowladeedka daabi´ciddaXeerka xuriyada ra´y bixinta waafaqsan dastuurkaSida dalka Iswiidan loogu taliyo (Hur Sverige ska styras)
Regeringsformen waxaa ku qoran qaabka taliska dalka Iswiidan.
Waxaa ku qoran qodob muhim ah, kaasoo oranaaya awooda waxaa
iska leh shicibka iyo in dalka Iswiidan u leeyahay xaqa codbixinta guud oo
loo wada-siman yahay.
Teeda kale xeerka waxaa ku qoran noocyada xuriyada iyo xuquuqda
shicibka dhamaantiis uu leeyahay:
- Muwaatinyiinta iswiidishka waxay leeyihiin xuriyada ra´y bixinta,macneheedu waxay tahay shicibku wuxuu soo bandhigi kara aragtidiisa.
- Waxay xaq ku leeyihiin xuriyada warbaahinta,macneheedu waxay tahay waxay xaq ku leeyihiin in hey´addaha dowlada ay warbixin ka helaan.
- Waxay xaq ku leeyihiin xurida kulanka,macneheedu waxay tahay waxay xaq ku leeyihiin abaabulida kulamada halkaaso ay ku soo bandhigaan aragtidooda.
- Muwaatinyiinta iswiidishka waxay kalo xaq ku leeyihiin xuriyada banaanbaxa, macneheedu waxay tahay waxay xaq ku leeyihiin banaanbaxa.
- Waxay xaq ku leeyihiin xuridada ururada, macneheedu waxay tahay waxay xaq ku leeyihiin dhisida iyo xubin ka noqoshada urur.
- Dadyoowga ku nool dalka Iswiidan waxay kalo xaq ku leeyihiin xuriyada diinta. qof kasta wuxuu xaq ku leeyahay diintiisa ama in uusan diin ba yeelan.
Yaa noqon kara boqor ama boqarad (Vem som får bli kung eller drottning)
Xeerka hab dhaxalka boqortoydawaa xeer u hogaansan qofkadalka Iswiidan u noqon karo boqor ama boqaradXuriyada daabi´cidda (Tryckfrihet)
Muwaatinyiinta waxay faaf-reeb la´aan daabici karaan oona faafikaraan dhammaan wixii qoraal ah. Taasoo ku qoran xeerka xeer-dowladeedka xuriyada daabi´cidda tryckfrihetsförordningen. Faaf-reeb waa nidaam hogaan u ah waxa la oran karo ama la qori karo. Muwaatinyiinta waxay xaq ku leeyihiin in ay akhristaan qoraalada guud.Xuriyada ra´ay bixinta (Yttrandefrihet)
Saldhigga xeerka xuriyada ra´ay bixinta wuxuu telefiishanada, filimada iyo wargeysyadasiinayaa awood ay xayiraad iyo faaf-reeb la´aan ku faafiyaan warbixinadooda.Midowga Yurub (EU)
Dalka Iswiidan wuxuu xubin ka yahay Midowga Yurub, EU. Tirada xubanaha EU waa 27 dal kuwaasoo iska kaashada ganacsiga badeecadaha, adeegyada, deegaanada, beerahaiyo qaabilaada qaxootida. Warbixin dheeraad ah ku saabsan dhammaan hawlgalada dalka Iswiidan ee Midowga Yurubka akhriso goobta Internetka Midowga Yurub: www.eu-upplysningen.se