Suuqa shaqada dalka Iswiidan (Den svenska arbetsmarknaden)

Dhammaan xubnaha qoysaska ee qaangaarka ah  
ee ku nool dalka Iswiidan, caadi ahaan way shaqayaan waxayna kaalin ka qaataan keenida biilka qoyska.
 
Suuqa shaqada dalka Iswiidan wuxuu ka kooban
yahay shirkaddo iyo kuwa u shaqeeyaan

Dadyoowga rayidka ah waxay yeelan kara shirkado,
dowlada waxay yeelan karta shirkado, maamulka
degmooyinka wuxuu yeelan karaan shirkado.
 
Shirkadda waa shaqobixiyeha,
kuwa u shaqeeyaan
waa shaqalaheeda.

Shaqo-bixiyeyaasha iyo shaqeysteyaasha
waxay leeyihiin ururro iyaga u shaqeeya
iyo wixii iyaga dan ugu jirto.
 
Shaqeysteyaasha waxay leeyihiin ururuka shaqaalaha
shaqo-bixiyeyaasha waxay leeyihiin ururka shaqo-bixiyeyaasha.
 
Ururrada iyo ururrada shaqaalaha way wada-shaqeeyaan
dhinaca mushaharrada iyo deegaanka shaqada.

Heshiiska is-kaashatada (Kollektivavtal)


Dhinacyada suuqa shaqada ayaa dalka Iswiidan,
ururrada shaqo-bixiyeyaasha iyo ururka shaqaalaha,
wadajir ugu arrinsada
hab-dhaqanka suuqa shaqada ka hirgeli doono.
Waxay ka arrinsadaan mushaharrada iyo saacadaha shaqada.

Ururka shaqaalaha iyo ururrada shaqo-bixiyeyaasha
waxay wada qoraan heshiiska is-kaashatada kollektivavtal.
Waa heshiis khuseeya dhammaan dadyoowga isku xirfadda ah.
Marmar dhinacyada suuqa shaqada arrin kuma heshiin karaan.
Markaas waxay ku dhaqaaqaan shaqo ka fariisasho.

Ururrada shaqeysteyaasha (Organisationer för arbetstagarna)


Dalada ururrada shaqeysteyaasha Landsorganisationen, LO,
waa wadashaqayn ururro shaqaale tiradooda ah 15
tirada xubnahooda isku darkii waa 1,7 maljuun
leh xirafado kala duwan, sida kalkaaliso caafimaad hoose,
farsameyaqaan, warshad ka shaqeeye iwm.

Ururka shaqaalaha sarkaalada, Tjänstemännens Centralorganisation, TCO,
wuxuu ka kooban yahay 16 ururro-shaqaale oo hawlgalo
daneha shaqaalaha sarkaalka, sida injeenyereyaasha,
boolis, dhaqaale, macallin iyo kalkaalisada caafimaadka.
Tirada xubnaha TCO waxaa weeyaan qiyaastii 1,2 maljuun.

Ururka shaqaalaha jaamiciyiinta Akademikers Centralorganisation, SACO,
wuxuu ka kooban yahay ururro tiradooda ah 24 urur oo kala duwan,
tirada xubnahooda waxaa weeyaan 600 kun xubno,
oo dhammaantood ah jaamiciyiin, sida takhtarro,
qareeno iyo takhtarada caafimaadka dimirka.

Ururrada shaqo-bixiyeyaasha (Organisationer för arbetsgivarna)


Hey´ada shaqo-bixiyeyaasha Arbetsgivarverket
waa dalada ururrada shaqo-bixiyeyaasha oo hey´adaha dowlada.

Ururka ganacsateyaasha Svenskt Näringsliv
waxaa loogu talaggalay shirkadaha dhexdhexaad iyo waawayn.

Ururka shaqaalaha degmooyinka iyo gobolada dalka Iswiidan Sveriges Kommuner och Landsting, SKL,
Ururka shaqaalaha degmooyinka iyo gobolada dalka Iswiidan, SKL,
waa ururka shaqo-bixiyeyaasha dalka Iswiidan, ka kooban 290 degmooyin
iyo 18 gobollo.
 
Företagarna
u shaqeeya shikado tiradooda garayaso 700 000 ka hawlgala dalka Iswiidan.
 
Företagarförbundet
waa shirako yaryar oo u shaqeeya dadyoow tiradooda ka hooseeyso 9 shaqaale.

Xeerka shaqada (Arbetsrätt)


Suuqa shaqada dalka Iswiidan waxaa hogaan u ah xeerarka iyo heshiisyo
xeerarka ugu muhimsan waa:

Xeerka wada-taliska suuqa shaqada, MBL,
wuxuu faraya in ururka shaqaalaha had iyo jeer u xaq ku leeyahay
in uu wada-hadal ururrada shaqo-bixiyeyaasha la galo ku
saabsan arrimaha shaqada shirkadda.

Xeerka badbaadada shaqo ku qorida, LAS,
waxaa ku qoran nidaamka shaqo ku qorida  
iyo shaqo ka erinta.
 
Xeerka saacadaha shaqada  
waxaa ku qoran tirada saacadaha maalintii aad shaqayn karto
iyo toddobaadkii.
shaqada saacadaheeda buuxda waa 40 saaco toddobaadkii
 
Xeerka deegaanka shaqada   
wuxuu ku saabsan yahay ammaanka shaqada
iyo deegaanka shaqada wanaagsan.
 
Xeerka ammuuraha cunsiriyeenta   
waa xeer dadyoowga dhammaantood
xaq u siinaayo in shaqo ay ka raadsadaan oona shaqaysataan.

Nidaamka shaqo ku qorida (Anställningsformer)


Dalka Iswiidan laba siyaabood ayaa shaqo lagugu qori kara:
tillsvidareanställning
iyo tidsbegränsad anställning.

Tillsvidareanställning waxaa kalo loo yaqaanna
fastanställning  waa habka shaqo ku qorida
ugu caadiyeeysan.
 
Tidsbegränsad anställning  
wuxuu noqon kara:
 

  • Shaqo ku qorid guud ahan xadadsan Adiga iyo shirkadda waxaad wadajir ku heshiinaysan 5 shaqayso muddo cayansan.
  • Ku sime Waxaad u shaqaynaysa qof kale tusaale ahaan qof jirro ama fasax ku maqan.
  • Shaqada xilliga Tusaale ahaan waxay noqon karta shaqo xilliyada kuleelahaama xilliyada qaboobaha la qabto.
  • Shaqo ku qorid tijaabo ku salaysanshirkadda  waxay tijaabo ahaan kuqori karta shaqo 6 bilood ah lagu eegayo haddii aad shaqada ku habboon tahay.

Tababbar (Praktik)

Helida tababbarka goob shaqo
waa hab wanaagsan lagu helo tababarka shaqada
iyado isla markaa ururrada shaqo-bixiyeyaasha loo muujinaayo kartida shaqada.
 
Waxaad ka aqoonkorsan karta xirfad
ama goob shaqo markii tababar lagu siiyo.
Qofka weligi dalka Iswiidan ka shaqayn way u wanaagsan tahay
ama qof an aqoon wixii u ku shaqaysan lahaa.
 
Praktik waxaa kalo loo adeegsada barashada
ku hadalka luqada af-iswiidishka.
 
Tababbar-qaateha ma qabto hawsha qof goobta ka shaqeeya.
Sidaaso kale tababbar-qaateha ahaan inaad goobta
shaqada ku raagto ma wanaagsana,
oo shaqo-bixiyeha shaqaale ahaan kaaga faa´iideysto.
 
Praktik waa hab shaqo loogu helo
goobta shaqada aad tababbarka
ka heshay ama goob la mid ah.

Sidatan ayaa shaqo loo raadsada (Så här söker du jobb)


Shaqo waxaa laga raadsada goobo loo yaqaanno platsannonser.
Platsannonser waxaa laga hela xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen, wargeysyada, goobaha Internetka ama boorarka
farimaha laga helo dukaamanka raashinka.

Markii shaqo-doone aad tahay, waxaad la xiriiraysa shaqo-bixiyeyaasha.
Waxaa wanaagsan in la waydiiyo warbixin dheeraad ah ee shaqada ku saabsan.
Teeda kale, waxaa habboon in shaqo-bixiyeyaasha
laga codsado ballan lagu wada kulmo.
Shaqo-dooneha wuxuu shaqo-bixiyeyaasha
waydiin kara haddii shaqo laga heli karo.

CV-ga (CV)


Shaqo-dooneyaasha idil waa in ay haystaan qoraalka loo yaqaanno cv.
Ka kooban ereyo laatiiniha oo la soo gaagaabiyay curriculum vitae,
macnaha waxaa weeyaan liiska waxyaalihii qofka
nooloshiisa u sameeyay.
Cv waxaa ku qoran liiska dugsiyada qofka u soo dhigtay, taariikhda tacliintiisa iyo shaqooyinkii u soo qabtay.
 
Cv:gaaga waxaad ku keydin karta keyd kombyuutar kala duwan, sida kan xafiiska shaqada ama shirkaddaha kale ee shaqo-dooneyaasha shaqada u raadsha rekryteringsshirkadda  .
Shaqo-bixiyeyaasha waxay shaqaale ka raadsadaan keydka kombyuutar.

Codsiga (Ansökan)


Waa inaad codsi qorta.
Codsiga aad buu muhim u yahay. Goobta Internetka waxaad ka akhrisan karta sida codsi wanaagsan loo qoro.

Tixraacyo (Referenser)


Xilliga shaqo raadsashada haysashada tixraacyada waa muhim.
Qof magacyada dadyoowga tixraacyo ku noqon doono.
Shaqo-bixiyeyaasha waxay taleefan kula xiriirayaan
dadyoowgi aad tixraacyada ka dhigatay.
Waxay waydiinayaan su´aallo shaqsiyadaada ku saabsan iyo sida aad u shaqayso.

Waraysi (Intervju)


Haddii shaqo-bixiyeyaasha ay dan ka leeyihiin in ay shaqo ku siiyaan,
waxay kugu yeerayaan waraysi.
Badi ahaan kadib markii waraysiga lagula yeesho ayee shaqo-bixiyeyaasha,
go´aan ka gaaran haddii shaqo
ay ku siinayaan iyo haddii kale.

Waxaa fiican in waraysiga horrantiisa aad baadi doonto
warbixin shirkadda ku saabsan.
Teeda kale, waxaa wanaagsan inaad wixii shahaado ah aad horey
u qaadato markii wareysiga lagula yeelanaayo.

warbixin dheeraad ah ku saabsan sida shaqada loo raadsado
waxaad ka akhrisan karta goobta Internetka ee xafiiska shaqada:
www.arbetsformedlingen.se

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen)


Xafiiska shaqada waa hey´adda  dowladeed,
waxaa xilsaaraan in ay isku keenaan dadyoowga
shaqo-dooneyaasha ah iyo shirkaddaha shaqaalaha u baahan.
Xafiiska shaqada wuxuu siiba caawiyaa shaqo-dooneyaasha
habka sahlan shaqada an ku heli karin.
Xafiiska shaqada wuxuu ku dhaqma barnaamijyo
kala duwan ku salaysan siyaasada suuqa shaqada, kuwaasoo aad ka faa´iideysan karto:

Instegsjobb


Waa shaqo mushaharka soo-galeetiga dhowaan
dalka yimi oo shirkad shaqo ka hela,
xafiiska shaqada bixiyo boqolkiiba 75.

Soo-galeetiga dhowaan dalka yimi wuxuu dhiganayaa luqada af-iswiidishka  
loogu talaggalay soo-galeetiga, SFI,
waa haddii muddo 36 billood ka yar uu ruqsada degenaanshada haystay.

Bilaabida shaqada cusub (Nystartsjobb)


Haddii shaqo-bixiyeyaasha shaqo ay siiyaan qof muddo
dheer shaqo la´aan ahaa,
waxay bixinayaan kharash ka hoseeya
haddii ay shaqaale kale ay qoran lahaayeen.
Shaqo-bixiyeyaasha lagama qaadayo gunnada loo yaqaanno arbetsgivaravgifter.

Ganacsi ku dhaqaaqida (Starta eget företag)


Qor qorsheha ganacsiga (Skriv en affärsplan)


Haddii aad ku talo jirto ganacsi ku dhaqaaqid, waa inaad
haysata qorsheha ganacsiga. Qoraalka qorsheha
ganacsiga wuxuu tilmaamaya fikradaada
iyo sida aad damacsan tahay inaad u dhaqangeliso.

Qodobada hoos ku qoran waa in la waafaqsiiyaa qorsheha ganacsiga:

  • Maxaad iibinaysa?
  • Maxaad iibinayso iyo yaa ka iibsanaayo?
  • Waa kuma shirkaddaha kale ee isku badeecada iibiya?
  • Sidee shirkadda aada ugu duwan tahay shirkaddaha kale?
  • Sidee maalgeelinta ku heleysa?
  • Lacagta ma aamaahanaysa?
  • Ruqsad miyaad u baahan tahay?

Qorsheha ganacsiga ku qor miisaniyada iyo wixii xisaab ah.
Miisaniyada iyo xisaab, waxay tilmaamayaan
sida maalgelinta aad ku heli doonto,
iyo muqaalka kharashyada aad yeelan doonto.

Qorsheha ganacsiga waa inaad u soo bandhigta  
dadyoowga ganacsigaaga maalgelin doono
ama  macaamisha
ama aafiiska shaqada
ama kuwa ku la wada-shaqayn doono.

Dooro nooca Shirkadaada , kadib diiwan-geli (Registrera och välj företagsform)


Shirkadaada waa inaad ka diiwan-gelisa  
Hey´adda canshuurta Skatteverket
iyo marmar hey´adda Boverket.

Waa inaad doorata nooca shirkadda aad doonayso.
Shirkadda waxay noqon karta:

  • Enskild näringsverksamhet — mid qof keliya leeyahay
  • Handelsbolag -  waa mid ganacsadeed
  • Kommanditbolag  - tan ganacsiga la mid ah
  • Aktiebolag — qaab shirkad ah
  • Ekonomisk — urur dhaqaaleed

Taageero iyo caawinaad (Stöd och hjälp)


Maamulida shirkadda waxay noqon karta arrin an sahlanayn  
oo u baahan hawl badan.

Waa inaad  soo bandhigta daqliga canshuurta loo yaqaanno moms.
Waa inaad  soo bandhigta xisaab xil maleh iwm.
Waa inaad bixisa mushaharrada  
iyo shaqaalahaaga hab wanaagsan u maamusha.

Waxaad hey´adaha iyo ururrada ka
heli karta taageero iyo caawinaad 
sida xafiiska shaqada, Skatteverket iyo Nutek.
waxaad kaloo dhigan karta koorsooyin
qandaraas iyo dhaqaalaha shirkadda.

Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00