Hab-dhiska waxbarashada dalka Iswiidan  (Det svenska utbildningssystemet)

Dugsiyada gogoldhigga (Förskola)   


Dugsiyada gogoldhigga waxaa loogu talagalay carruurta dugsiyada biloowga-hoose-dhexe weli an bilaabin. Carruurta waxay dhigan karaan dugsiyada gogoldhigga ama dugsiyada gogoldhigga albaabada u furan öppen förskola.

Dugsiyada gogoldhigga waa in carruurta ay u fidiyaan taageero,
taasoo waalidiintooda u suuratgelinayso in ay shaqaystaan ama waxbartaan.
Maamulka degmada waxaa xilsaararan in carruurta hal sano
buuxsaday oo waalidiinta shaqeeyaan ama waxbartaan
ay helaan dugsiyada gogoldhigga.
 
Xitaa haddii waalidiinta aysan shaqo lahayn,
waa in carruurtooda ay dugsiyada gogoldhigga
dhigtaan ugu yaraan 3 saacado maalin kasta,
ugu badnaantii 15 saacado toddobaadkii.

Dugsiyada gogoldhigga albaabada u furan
waxaa loogu talaggalay carruurta an
dugsiyada gogoldhigga caadiga dhigan. 
Cunugu wuxuu halkaas tegi kara isagoo
hooyadiisa mise aabehiisala socdo. Waalidiintaayaa go´aan ka gaari karo saacadaha booqashada goobahaas.

Teeda kale carruurta  waxay kaloo dhigan karaan
hoy-qoyseedka xannaanada carruurta familjedaghem.
Waa hoy qof waalid ah u hoygiisa carruur ku xannaanadayo.

Fasalka dugsiyada gogoldhigga (Förskoleklass)


Fasalka dugsiyada gogoldhigga waxaa loogu talaggalay carruurta buuxsaday 6 sano
ama 6 sano dhowaan buuxsan doono.
Carruurta waxay 1 sano dhiganayaan fasalka dugsiyada gogoldhigga intii aysan dugsiyada biloowga-hoose-dhexe bilaabin.

Xannaanada carruur-dugsiyeedka (Skolbarnomsorg)  

 


Xannaanada carruur-dugsiyeedka waxaa loogu
talaggalay carruurta da´dooda 12 sano ka hooseeyso, oo dugsi dhigato.

Xannaanada carruur-dugsiyeedka waxaa weeyaan:

  • Goobaha wakhtilummiska
  • Hoy-qoyseedka xannaanada carruurta
  • Dhaqdhaqaaqyada wakhtilummiska dhammaan u furan

Goobaha wakhtilummiska (Fritidshem)


Goobaha wakhtilummiska waxaa lagu qaabila carruurta oo idil, dugsiga dhigashada horranteeda ama kadib markii dugsiyada ay xiran yihiin.
Maaulka goobaha wakhtilummiska waa in carruurta ay hawl u yeelaan,
kuna dadaalaan ka helida goobta.

Dugsiyada biloowga-hoose-dhexe (Grundskolan)


Dugsiyada biloowga-hoose-dhexe waxaa la dhigta sagaal sano. Dhigashada dugsiga waa waajib dalka Iswiidan. Macneehedu waxay tahay, in carruurta oo idil ay dugsiyada biloowga-hoose-dhexe dhigtaan.
carruurta dugsi dhigashada waxay bilaabaan markii 7 sano ay buuxsadaan, waxayna dhameeyaan markii 16 sano ay buuxsadaan.

Carruurta dugsiyada biloowga-hoose-dhexe caadiga ah an dhigan karin, waxay dhigan karaan dugsi khabiir specialskolan ama dugsi gaar särskolan.

Carruurta dugsiyada biloowga-hoose-dhexe waxaa la siiyaa shahaado.
Shahaadada waxay noqon karta:

  • Guulaystay, G
  • Aad ugu guulaystay, VG
  • Aad iyo aad ugu guulaystay, MVG

Sannad-waxbarashadeed kasta hal jeer ayaa macalinka loola yeesha wadahadalka ka arrinsashada horumarka waxbarashada ee ardayga utvecklingssamtal.
Wada-hadalka waxaa ka qayb galo macallinka, ardayda iyo waalidiinta.
Macallinku wuxuu waalidku siinaya warbixin ku saabsan
horumarka ardayga iyo sidii loo sii hagaajin laha.

Dugsiyada sare (Gymnasieskolan)


Dhammaan dhallinyarada dhamaysatay waxbarashada dugsiyada biloowga-hoose-dhexe, waxay xaq ku leeyihiin waxbarashada dugsiyada sare oo saddex sano ah.

Haddii ardaygu usan ku guulaysan helida shahaada wanaagsan ee
dugsiyada biloowga-hoose-dhexe, wuxuu dhiganaya
barnaamijka dugsiyada sare, kaasoo ardayga
u suurtagelin doono helida shahaadada aqbalan ee
dugsiyada biloowga-hoose-dhexe, markaas kadib
ayuu waxbarashadiisa dugsiyada sare sii wadan kara.  

Shahaada dugsiyada sare ee ardayga heli
karo waxay noqon karaan:

  • IG (kuma guulaysan)
  • G (Guulaystay)
  • VG (Aad ugu guulaystay)
  • MVG (Aad iyo aad ugu guulaysaty)

Dowladda waxay go´aamisay Qorsheha waxbarashada, loogu talagalay
dhammaan dugsiyada  dalka Iswiidan.
Qorsheha waxbarashada waxaa ku qoran, shuruudaha
shahaadada lagu heli, ee ardayga laga doonaayo in uu fuliyo.

Waxbarashada xirfada (Kvalificerad yrkesutbildning)


Kadib markii waxbarashada dugsiyada sare aad dhamaysato, waxaad u gudbi karta waxbarashada xirfada oo markii la soo gaabiyo loo yaqaanno KY.
Xilliga waxbarashada KY waa inta u dhaxeeysa 1 ilaa 3 sano.
Waxaad baranaysa xirfad
9-kii ba 10-ka dadyoowga waxbarashadaas dhamaysaty
waxay helaan shaqo ama waxay ku dhaqaaqan ganacsasho.

Dugsiyada dadwaynaha (Skolor för vuxna)


Dadyoowga buuxsaday  20 sano
oo an haysan aqoon ku filan
sida kuwa dugsiyada biloowga-hoose-dhexe iyo dugsiyada sare laga helo
waxay dhigan karaan dugsiyada dadwaynaha loogu talagalay vuxenutbildning.

Waxaa dhici karto in dadwaynaha ay doonayaan in ay bartaan maadooyin
horey aysan u soo baran
taasoo u suurtagelinayso in ay dhigtaan jaamacad iwm
ama ay raadsadaan xirfad gaareed.

Barashada luqada af-iswiidishka  loogu talaggalay soo-galeetiga (Svenska för invandrare, SFI)


SFI waa barashada af-iswiidishka loogu talagalay dadyoowga
afkooda hooyo an ahan af- af-iswiidishka ahayn.
Waa inaad  buuxsatay  16 sano
kana diiwan gashan tahay degmada
SFI-ga aad ka dhigan doonto.

SFI wuxuu leeyahay koorsooyin tiradooda ah afar:
A, B, C iyo D.
Ardayda waxaa la siiya shahaado markii koorso kasto ay dhamaystaan.

Shahaado waxay noqon karta:

  • Guulaysaty, G
  • Aad ugu guulaystay, VG

SFI-ga wuxuu leeyahay saddex jihad waxbarasho
Jihada waxbarasha 1:aad waxaa loogu talaggalay dadyoowga weligood an wax soo dhigan
ama dadyoowga wax yar wax soo dhigtay.
Waxay dhigtaan koorsada s A iyo B.

Jihada waxbarasha 2 koorsooyinka  B iyo C.
Jihada waxbarasha  3 koorsooyinka  C iyo D.
Jihada waxbarasha  2 iyo 3 barta koorsooyin ka dhaqsi badan 1.

Adigoo dhiganaayo SFI-ga ayaa haddana ka-qaybgeli karta tababbar.

Shahaadooyinka dibada laga yimi (Utländska betyg)


Hadii shahaado aad dalka kale kala timi
Hey´adda dugsiyada Högskoleverket
Waxay ku dhaqaaqi karta qiimaynteeda.
Waxay fiirinaysa mudada waxbarashadaada,
Maadooyinka aad soo dhigatay
iyo qallinjebinta.
Taasoo hey´adda ka qaadanayso 4 bilood
in lagu siiyo jawaabta sida shahaadadaada
dalka Iswiidan looga qiimeeyay.

Kadib markii lagu siiyay warbixinta sida shahaadada loo qiimmeeyay
Waxay hey´adda ku siinaysa caddaynta qiimaynta.
Caddaynta lama barbardhigi karo shahaado dalka Iswiidan.
Laakinse waxaad adeegsan karta markii shaqo aad raadsanayso
Taasoo shaqo-bixiyeyaasha uu suurtagelienyso in ay helaan warbixinta heerka aqoontaada.

Jaamacad iwm (Högskola och universitet)


Dowladda aya dalka Iswiidan
mas´uul ka ah jiritaanka iyo helida jaamacadaha iwm.
Saddex siyaabood ayaa wax loo barta, heer saldhigeed,
Heer horumarsan
ama heer cilmi-baaris.

Högskoleverket waa hey´adda  
kormeerta tayada dhamaan waxbarashadaha heerarka sare.

Jaamacada (Linköpings universitet)


Jaamacada Linköpings universitet waxaa dhigato arday tiradooda ah 25 kun,
3 500 shaqaale
iyo barnaamijo-waxbarashadeed tiradooda ka badan 100.

Waad heli karta waxbarashada farsamada, cilmiga dabeecada naturvetenskap,
caafimaadka, daryeel-caafimaadeedka, aqoonta bulshada samhällsvetenskap,
aqoonta hab-dhaqanka beteendevetenskap iyo aqoon karaamada iyo xuquuqda aadenaha  humanistiska iyo maadooyinka sida luqada, filoosofi iyo taariikh.

Jaamacada Linköpings universitet waxay ku taala laba magaladood:
Linköping iyo Norrköping.

Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00