Suuqa aqalada dalka Iswiidan (Den svenska bostadsmarknaden)

Guryahada dalka Iswiidan waa la kireysta ama waa la iibsada.
waxaad yeelan karta hoy loo yaqaanno hyresrätt,
bostadsrätt, ägarlägenhet ama  fiilla.

Aqallada la kireysto (Hyresrätt)


Haddii aqalka shirkadda aad ka kireysato 
taasoo aqallo badan kireyso
nooca aqalka aad ku nooshahay waxaa la yiraahda hyresrätt.

Adigu waxaad tahay aqal-kireyste
qofka ama shirkadda aqalka ka kieysay waxaa la yirahda aqal-kireye.

Xeerka kireysteyaasha waxaa ku qoran qodobo
faraya waxa adiga qaban karto
iyo waxa shirkada daarta iska leh ay qaban karto.

Waxyaalahaan ayaa aqal-kireysteha laga doonayaa in uu tixgeliyo (Det här ska hyresgästen göra)


Waa inaad daahid la´aan bixisa kirada
waa inaad daryeesha oo hagaajisa hoygaaga.
Waa inaad  aadan jaarkaaga ku buuqin
waa inaada aqal-kireyehaaga wargelisa  
haddii hoygu u wax ka waxyeelmo.

Waa inaad kirada bixisa dhamaadka
bil kasta oo horumaris ahaan
loo bixiyo.Haddii aadan bixin
waxaa laga saaraya hoygaaga.
Lacagta kirada aad bixin doonto
waxay ku qoran tahay qoraalka heshiiska kirada.

Waa inaad daryeesha oo nadiifisa hoygaaga.
Waa inaad  nadiifisa dariisahada, marawaxa jikada,
meesha cuntada lagu kariyo, qaboojiyeha fudud iyo culus ba,
musqusha, meelaha biyaha ka baxaan iyo duleelaha dhulka.
Adiga ayaa iska beddelaayo fyuusyada iyo nalalka.

Haddii arrin korontada ku saabsan ay jirto kala xiriir shirkada
aqalka ka kireysay.Haddii wax aad jebiso
waaa inaad bixisa kharashka lagu sameeyo.

Waa lagu oggol yahaya rinji mariska gidaarka ama xaanshi ku dhejiska,
waa haddii aad doonayso. Laakinse waa in hab wanaagsan
oo wax yeelaynayn aqalka u samaysa.

Lagu ma oggola inaad gidaar qolalka ka saarto
ama gidaar cusub ku dhisto
waa haddii adan ruqsad aqal-kireye aadan ka haysan
Haddii aad doonayso inaad dhigato anteenada sateelitka
waa inaad marka hore amar shirkada daarta iska leh ka qaadata
sidii hab sax ah loogu rakibo awgeed.

Haddii adigu aad tahay aqal-kireyste,
waa inaad marna ku buuxin
aqal-kireysteyaasha ku nool
isla daartaas. Waa inaad codka
muusikada sare u qaadin ama aad qaylinin.

Haddii xaflad aad yeelan doonto,
waxaa habboon in horranteeda aad deriskaaga wargeliso.

Haddii deriskaaga ay dhowr jeer buuqaaga
ka soo dacwoodaan, waxaa suurtagal noqon
karto inaad waysiid hoygaaga. Sidaasoo kale,
haddii adiga lagugu buuqo, waxaad wargelin
karta oo dacwoon karta shirkada daarta iska leh.

Waajibaadka shirkada daarta iska leh waxaa kamid ah


(Det här ska hyresvärden göra)


Waa inaad shirkada daarta iska leh la xiriiri
karto markii aad doonayso.
Shirkada daarta iska leh  waa in ay sameeysa wixii halaysan.
Shirkada daarta iska leh waa in ay hubsata in guriga usan waxba ka halaysnayn.
Shirkada daarta iska leh  waa in ay hubsata in guriga uu biyo iyo kuleel ba leeyahay.
Shirkada daarta iska leh  waa in ay hubsata in an lagugu buuqin.

Xeerka kirada waxaa ku qoran in guriga uu leeyahay: 

  • Kuleel
  • Biyo kulul iyo qaboob ba
  • Tubooyinka wasakhda maraan
  • Musqul, meel lagu mayrto iyo meel lagu qubaysto
  • Koronto
  • Meel dharka lagu dhaqdo
  • Maqsin wax lagu keydsado

Marmar maqsiinku wuxuu ku yaala guriga dhexdiisa.

Caymiska hoyga (Hemförsäkring)


Waa muhim haysashada caymiska hoyga.
Haddii caymiska hoyga adan lahayn,
oo dhibaato sida dab ama daad kugu dhacdo,
waxaa la kulmi kartaa dhibaato culculus oo qaali ah.

Qolka aqal-kireysteyaasha kale loola qaybsado  (Rum som du delar med andra hyresgäster)


Waa qol ku yaallo daar, oo aad la qaybsanayso aqal-kireysteyaal kale oo
daarta ku nool. Waxaad kaloo la qaybsanaysa goobta dharka lagu dhaqdo,
maqsinka alaabta lagu keydsado ama deyrta guriga..

Sidatan ayaa goobta dharka lagu dhaqdo loo adeegsada:

  • Ballan qabso
  • Tixraac tilmaanta sida qalabka loo adeegsado.
  • Ku isticmaalka kadib nadiifi goobta.
  • Sidaaso kale dhaq maskiinooyinka.

Sidatan ayaa daarta loogu dhaqma:
In goobta baaskiil, gaariga carruurta, kaba ama
qalabyada carruurta ku ciyaaraan, waa mamnuuc
in goobtaas trapphuset la dhigo.
Maxaayeelay, waxay xayiri karaan wadada haddii shil dab u dhaco.
Sidaaso kale waa mamnuuc in waxyaalaha dabka ka kici karo trapphuset la dhigo, sidaa xaanshida wargeysyada, bac ama khashinka raashinka.

Haddii aqalka aad ka guurayso (Om du ska flytta från din lägenhet)


Haddii aqalka aad ka guurayso, waxaa waajib
kugu ah in shirkada daarta iska leh aad siiso
digniinka guuritaanka saddex bilood ka hor. Waa inaad
shirkada daarta iska leh wargelisa inaad aqalka ka guuri doonto, saadex bilood kadib.

Kadib markii aqalka aad k guurto, shirkada daarta iska leh waxay
ku dhaqaaqi doonta kormeerida xaalada aqalka.
Haddii shirkada daarta iska leh ay hesho waxyeelo halaabay,
waxaa waajib kugu ah bixinta kharashka waxyaalahaas halaabay lagu hagaajin doono. Sidaaso kale haddii aadan sii fiican u nadiifin aqalka, waxaa bixin doonto kharashka nadiifiinta.

Ururka aqal-kireysteyaasha (Hyresgästföreningen

)


Waxaad ku biri karta oo xubin ka noqon karta
ururka aqal-kireysteyaasha.Waa urur u hawlgalo oo
taageero siiyo aqal-kireysteyaasha. Teeda kale,
waa urur shirkada daarta iska leh kala arrinsado
markii heerka kirad kor loogu qaadayo.

Aqallada iskaashatada (Bostadsrätt)


Bostadsrätten waa nooc guri oo la iibsado.
Mulkiyada guriga waxaad la qaybsanaysa
ururka is-kaashatada guryaha bostadsrättsförening oo leh daarta oo idil.
Bil kasta waxaad ururka siinaysa kharash.
Waa kharash loogu talagalay dib u habaynta iyo
maamulka daaraha.
Haddii qaboojeha fudud ama culus uu ka halaabo,
adiga ayaa samaysanaayo, maadaama adiga guriga aad leedahay.
 

Guryaha nooca loo yaqaanno (Ägarlägenhet)

 


Ägarlägenhet waa nooc cusub. Habkan cusub wuxuu
khuseeya oo keliya guryaha cusub.
Gurigaaga gooni ahaan ayaa mulkiyada u leedahay,
ee ma aha guri uu ururka is-kaashatada guryaha wax ka leeyahay.

Fiilla (Villa)


Fiilla ama guryaha loo yaqaanno radhus
ayaa iibsan karta, kaasoo adiga ku gaar ah
oona sida doonto u maamuli kartid.

Dib u warshadaynta (Återvinning)


Dalka Iswiidan khashinka dib ayaa loogu isticmaala.
Macneehedu waxay tahay mar labaad ayaan adeegsana,
taasoo lagu badbaadinaayo deegaanka.
Tusaale, xanshida wargeysyada waxaa laga sameexa xanshiyo cusub.
Dhalooyinkii hore waxaa laga sameeya dhalooyin cusub.

Degmada degan tahay, waxaa laga hela goobaha khashinka dib u warshadaynta ee loo yaqaanno återvinningsstationer.
Khashinka dib u warshadaynta halkaas, ayaa dhigi karta.
Waa inaad khashinka sidatan u kala soocda:

  • Xaansho
  • Bir
  • Dhalo
  • Blaastiik
  • Xanshida wargeysyada
Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00