5. Hab-dhiska caymiska bulshada dalka Iswiidan iyo kaalmo-dhaqaaleedyo kale(Det svenska socialförsäkringssystemet och andra ekonomiska ersättningar)

Kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada (Introduktionsersättning)


Haddii aad ka tirsan tahay dadyoowga cusub ee degmooyinka lagu soo-dhoweeyay, waxaa lagu siin kara kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada.

Nidaamka kaalmo-dhaqaaleedka lagu qaato wuu ka duwan yahay hadba degmada lagugu soo-dhoweeyay.  Laakinse degmooyinka dhammaantood waxay ka midaysan yihiin, in adiga iyo qof gacanhaaye ah wada qortaan qorsheha gogoldhigga, kaasoo waajib kugu ah inaad tixgeliso.

Khasnadda caymiska bulshada (Försäkringskassan)


Dhammaan dadyoowga ku nool, kana shaqaysto dalka Iswiidan waxay ka tirsan yihiin   
caymiska bulshada dalka Iswiidan.
Macneheedu waxay tahay, in adiga lacag yar oo keliya
aad bixinayso markii aad, qof talhtar ah booqanayso
ama isbitaal lagu seexiyo.
 
Teeda kale, macneehu waxay tahay inaad
xaq ku leedahay in dowlada ay
magdhow ku siiso
markii aad gaboowdo,
markii carruur aad haysato,
haddii aad shaqayn karin jirro awgeed,
ama ku haysato dhibaatada itaaldarrada.

Yaa ka taliya caymiska bulshada (Vem bestämmer om socialförsäkringen?)


Barlamaanka dalka Iswiidan ayaa go´aan ka garo habka caymiska bulshada,  loo maamulo ama u shaqayso.
 
Försäkringskassan waa hey´ad dowladeed,
oo baarto haddii lacag aad u baahan tahay,
iyo haddii aad xaq ku leedahay,
isla iyaga ayaa lacagta bixisa.

Magdhowga loogu talagalay dadyoowga carruurta leh (Ersättningar för dig som har barn)


Kaalmo-dhaqaaleedka carruurta (Barnbidrag)


Dhammaan carruurta dalka Iswiidan ku nool,
waxaa la siiya kaalmo-dhaqaaleedka carruurta
ilaa cunuggu uu 16 sano ka buuxsado.
Caruurta 16 sano buuxsaday oo weli
dugsiyada biloowga-hoose-dhexe dhigta,
waxaa la kordhiya
qaadashada kaalmo-dhaqaaleedka carruurta.

Kaalmo-dhaqaaleedka carruurta waxaa la siiyaa
waalid kamid ah waalidiinta cunugga.
Haddii Försäkringskassan aad wargelin in lacagta
aabeha loo soo shubo, toos ahaan waxaa
lacagta loogu soo shuba xisaabta hooyada.

Lacagta kaalmo-dhaqaaleedka carruurta waxaa marka ugu horeeysa,
la bixiya bisha ku xigta, bisha cunugu u dhashay.
Haddii qoyska cunugu u dhowaan dalka u soo guury,
kaalmo-dhaqaaleedka carruurta waxaa la bixiya bisha ku xigta, bisha hey´adaha dowlada la wargeliyay guritaanka qoyska.

Haddii tirada carruurtaada ay tahay laba ama in ka badan, waxaa lagu siinayaa in yar oo dheeraad ah flerbarnstillägg.

Kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta (Föräldrapenning)


Kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta waxaa loogu talagalay waalidiinta,
oo doonaayo in ay fasax shaqada ka qaataan,
taasoo u sabab ah xannaanaynta carruurtooda.
Kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta waa la qaadan kara 480 maalmood.
Waalidiinta u dhashay mataano waxay xaq ku leeyihiin 180 maalmood oo dheeraad ah.
 
Haddii labada waalid ay wadaagaan xilhaaynta cunugga,
waalidkiiba wuxuu xaq ku leeyahay 240 maalmood.
Haddiise keliga xilhaynta ubadkaaga aad haysato
waxaad qaadan karta 480 maalmood.

Haddii aad uur leedahay, waxaad kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta qaadan karta 60 maalmood ka hore taariikhda dhalma ku aadan. Kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta  waxaad markaas kadib qaadan karta ilaa cunugu uu 8 sano ka buuxsaday, ama markii cunugu u dhamaysto sannad-dugsiyeedka ugu horeeyo.

Markii cunggu u dhasho wuxuu aabeha qaadan kara kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta kumeelgaar ah tillfällig föräldrapenning.

Magdhowga daryeelka (Vårdbidrag)
Haddii ubadkaaga uu gaar ahaan u baahan daryeel aad u badan,
ugu yaraan 6 bilood,
waxaa lagu siin kara magdhowga daryeelka vårdbidrag.
 
Waxaad kaloo xaq ku yeelan karta magdhowga daryeelka,
haddii kharash dheeraad ah u daryeelida awgeed kaga baxo, taasoo ua sabab ah ilaadarrada ama jirrada cunugga.
 
Waad heli karta Magdhowga daryeelka laga bilaabo maalinta cunugga u dhasho ilaa maalinta uu 19 sano ka buuxsado.

Kaalmo-dhaqaaleedka loogu talagalay masruufka carruurta  (Underhållsstöd)


Labada waalidiinta  waxaa waajib ku ah in ay carruurtooda masruufaan.
Haddii cunugu uu waalid waalidiintiisa kamid ah u la nool yahay,
waa in waalidka kale uu masruufkiisa
wax ka bixiya underhållsbidrag.
Waalidiinta ayaa laf ahaantooda ku heshiin kara
heerka waalidka kale u bixinaayo.

Haddii waalida masruufka bixin laha usan waajibkiisa gudan.
Wuxuu cunugu xaq ku yeelan kara kaalmo-dhaqaaleedka
loogu talagalay masruufka carruurta underhållsstöd,
taasoo Försäkringskassan u bixiyo.
 
Försäkringskassan wuxuu kaalmo-dhaqaaleedka loogu talagalay masruufka carruurta siiya waalidka cunugu u la nool yahay. Kaalmo-dhaqaaleedka loogu talagalay masruufka carruurta waxaa la bixiyaa ilaa uu 18 sano ka buuxsado.

Kaalmo-dhaqaaleedka kirada (Bostadsbidrag till barnfamiljer ) loogu talagalay qoysaska carruurta leh 


Qoysaska carruurta leh oo dhaqalahooda liita,
waxay heli karaan kaalmo-dhaqaaleedka kirada.
Waad heli karta kaalmo-dhaqaaleedka kirada haddii adiga aqalka aad leedahay, ama aad kireysatay.
Laakinse waxaa waajib ku ah inaad aqalka kaalmo-dhaqaaleedka kirada u codsatay, aad ku nooshahay. Teeda kale waa inaad adreeskaas ka diiwan gashan tahay.
Heerka lacagta kaalmo-dhaqaaleedka kirada waa hadba daqligaaga, kharashka hoygaaga, inta qol aqalkaaga u ka kooban yahay iyo tirada carruurta qoyska.

Magdhowga jirroleha ama itaaldarraha (Ersättningar till dig som är sjuk  eller har funktionsnedsättning)


Haddii aad jirran tahay, oo aadan shaqayn karin
waxaa magdhow ku siinaayo shaqo-bixiyeha
ama Försäkringskassan.

Markii shaqo-bixiyeha u magdhowga jirrada ku sinaayo,
waxaa loo yaqaanno sjuklön.
Markii Försäkringskassan u lacagta
bixinaayo waxaa loo yaqaanno sjukpenning.

Maalinta ugu horeeyso ee aad xannuunsan tahay, waxaa la yiraahda karensdag.
Maalintaas wax lacag ah lagu ma siinaayo.

Haddii muddo hal toddobaad ka badan,
aad jirro ku qornayd  
waxaa waajib ku ah inaad warqadda caddaynta jirrada
shaqo-bixiyeha u keenta. Haddii aad shaqo-bixiye
aadan lahayn waxaad shahaadada u keeni karta Försäkringskassan.

Magdhowga xooghaayeha (Assistansersättning)  


Haddii itaaldarro waawayn muddo dheer aad ku suganayd,
sidaas awgeed na u baahan tahay caawinaad badan oo
aad noolol-maalmeedkaaga ku gudato, waxaad codsan karta lacag aad isaga bixiso kaaliye-shaqsiyeed personlig assistent.

Waxaa loo yaqaanna assistansersättning.
Dadwaynaha iyo carruurta waxay heli karaan magdhowga xooghaayeha assistansersättning.

Magdhowga curyaamada (Handikappersättning)


Haddii caawinaad dheeraad ah aad u baahan tahay,
aasoo u sabab ah jirro iyo itaaldarro,   
waxaa heli karta magdhowga curyaamada
haddii muddo dheer aad caawinaad u baahan tahay, ama caawinaad aad wax ku barato ama ku shaqaysato.
 
Waxaad kaloo magdhowga curyaamada
lagu siin kara haddii kharash dheeraad ah u ka baxo,
taasoo u sabab ah jiro ama itaaldarro.
 
Waa haddii taageeradaas aad u baahan tahay mudoo ugu yaraan ah hal sano.

Teegeerada dhaqdhaqaaqida (Aktivitetsstöd)


Haddii aad ka qaybgasho barnaamijka suuqa shaqada
uu xafiiska shaqada ku siiyay,
waxaad xaq ku leedahay taageerada dhaqdhaqaaqida ee uu Försäkrings-kassan bixiyo.
 
Waxaad xaq ku leedahay taageerada dhaqdhaqaaqida markii aad ka qaybgeleyso barnaamijka suuqa shaqada oo kamid noqon karo:
  • damaanada shaqada iyo horumarka (jobb- och utvecklingsgaranti)
  • tababbarka suuqa shaqada (arbetsmarknadsutbildning)
  • baxnaaniska wajihan suuqa shaqada  (arbetslivsinriktad rehabilitering)
  • tababbarka shaqada (arbetspraktik)
  • taageero ku dhaqaaqida dhaqdhaqaaq ganacsi (stöd till start av näringsverksamhet)
  • mashruuca wajihan suuqa shaqada (projekt med arbetsmarknadspolitisk inriktning)
  • hogaamin (vägledning)

Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda (Centrala Studiestödsnämnden, CSN)


Guddiga ammuuraha kaalmada iyo waxbarashada ardayda, CSN, wuxuu go´aan ka gaara ardayda taageero-dhaqaaleedka waxbarashada studiestöd.
CSN ayaa bixiyo taageero-dhaqaaleedka waxbarashada.

Taageero-dhaqaaleedka waxbarashada waxay ka kooban tahay qayb deyn ah
iyo qayb deqsi ah, loogu talagalay dadyoowga
dalka Iswiidan waxkabarta, iswiidishka dibada wax ku barta.
Nidaamku wuu kala duwan yahay, hadba hadii aad wax ka baranayso dugsi sare ama heer jaamacad, iyo haddii da´daada ay ka hooseeyso ama ka sarayso 20 sano..
CSN waxaa kaloo xilsaaran in ardaydii deynta waxbarashada studielån qaatay ay dib u bixiyaan.
CSN waxay kaloo bixiya amaahda alaabta guriga hemutrustningslån  oo ah caawinaad loogu talagalay qaxootida u baahan in ay iibsadaan qalabyada hoyga ugu muhimsan.

Da´daada 20 sano may ka hooseeysa, oo dugsi sare miyaad dhigata? (Är du under 20 år och studerar på gymnasiet?)


Haddoo dugsi sare aad dhigato, da´daada na ay tahay 16 ilaa 20 sano, waxaa heli karta CSN ka heli karta caawinaad waxbarashada.

Caawinaad waxbarashada waxaay ka kooban tahay saddex kaalmo-dhaqaaleedka kala duwan:

  • Kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada (studiebidrag)
  • Ku-dar dheeraad ah (extra tillägg )
  • Ku-darka hoyga iyo cuntada ee joogtada ah (Ku-darka hoyga iyo cuntada )

Taageero-dhaqaaleedka waxbarashada (Studiebidrag)


Kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada haatan waxaa weeyaan 1050 karoon bishi.
Adiga u ma baahnid inaad kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada codsato.
Kadib markii lex iyo tobban sano buuxsato oo dugsi sare aad bilaawdo ayaa codsi la´aan lagu soo diri doona.

Ku-darka dheeraad (Extra tillägg)


Ku-darka dheeraad ayaa codsan karta haddii kaalmo-dhaqaaleedka
waxbarashada aysan kugu filnayn.

CSN waxay ku dhaqaaqda baaritaan ku saabsan daqliga waalidiintaada, markaas kadib waxay hey´adda go´aan ka garaysa haddii aad ku-dar dheeraadka xaq ku leedahaya iyo haddii kale.   
Ku-darka dheeraad waxaa weeyaan 285 ilaa 855 karoon bishii.

Ku-darka hoyga iyo cuntada (Inackorderingstillägg )


Ku-darka hoyga iyo cuntada waxaa heli karta
haddii xilliga waxbarashada adan qoyskaaga la noolan karin.
Waa in dugsiga uu ku jira musaafo 2 saacado loo soconaayo, haddii ku-darka hoyga iyo cuntada aad doonayso.
Ku-darka hoyga iyo cuntada wuxuu noqon karaa 1190
ilaa 2350 karoon bishii.

Adiga caawinaad waxbarashada waxaad heli karta oo keliya xilliga dugsi dhigashada.
Xilliga kuleelaha xaq ku ma lihid qaadashada kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada.

Haddii da´daada 18 sano ay ka hooseeyso, CSN waxay lacagta u soo
diraysa waalidiintaada.
Haddii da´daada 18 sano ay ka sareeyso, CSN adiga ayee lacagta u soo diraysa.

Haddii da´daada 20 sano ka sareeyso   ama jaamacad iwm aad dhigato?  (Är du över 20 år  eller studerar du på högskola, universitet  eller annan utbildning?)


Haddii jaamacad iwm aad dhigato waxaad xaq ku leedahay
qaadashada kaalmo-dhaqaaleedka
waxbarashada kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada.
 
Waad heli karta kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada
laga bilaabo nuska labaad, sannadka 20 sano aad buuxsato,
waxbarashada heer saldhigeed,
iyo heer dugsi sareed.
 
Kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada waxaad heli karta
ilaa 54 sano ka buuxsato.
 
Kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada waxay ka kooban tahay
qayb ah deqsi iyo qayb deyn ah.
CSN ayaa bixiso kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada.
 
Sannad-waxbarashadeed kasta waa inaad codsata kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada  studiebidrag iyo studielån.
Haddii wakhti buuxo aad wax baratid waxaa ugu badnaantii waxaad qaadan karta 7 492 karoon bishii  CSN.

2572 karoon waa deqsi studiebidrag
4 920 karoon waa deyn studielån.
Deqsi buuxda ama deyn adiga ayaa kala dooran karo.

Xilliga waxbarashada ma carruur baad leedahay (Har du barn och studerar?)


Haddii xilliga waxbarashada aad carruur leedahay, waxaad codsan karta kaalmo-dhaqaaleedka dheeraadka, taasoo aad qaadan karto nus-sannadeedka ubadkaaga uu 18 sano buuxsanayo.

Heerka kaalmo-dhaqaaleedka waa hadba tirada carruurtaada, tusaale haddii hal cunug aad leedahay, oona adiga wakhti buuxa aad wax barato,
waxaad heleysa 492 karoon bishii.
Haddiise 4 carruurta aad leedahay
waxaad heleysa 1 128 karoon bishii.

Waxaa xaq ku leedahay inaad shaqaysato (Du har rätt att arbeta)


Markii aad waxbaranayso waxaad xaq ku leedahay inaad shaqayso.
Waxaad shaqaysan karta lacag tirsan, iyadoo haddana studiebidrag och studielån saamayn ku yeelan karin.
Haddii wakhti buuxa aad shaqayso, waxaad sannad-waxbarashadeedkiiba
shaqaysan karta 51 250 karoon iyadoo haddana studiebidrag iyo studielån saamayn ku yeelan karin.

Haddii wakhti aan buux ahayn waxbarato, waxaad shaqaysan karta in intaas ka badan.

Xilliga an kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada qaadan karo waa immisa? (Hur länge får du studiemedel?)


Xilliga aad kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada
qaadan karto waa hadba waxa aad barato.

Haddii heer jaamacadeed ama heer waxbarashadeed sare,
ama waxbarashada ku xigta dugsiga sare,
waxaa heli karta kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada 240 toddobaad ,
oo ah 6 sano.

Haddii qaangaar ah weli dhigato dugsi sare, waxaa heli karta kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada 120 toddobaad óo ah 3 sano.

Haddii heer dugsiyada biloowga-hoose-dhexe aad wax ku barato waxaad ugu badnaantii heli karta 100 toddobaad.Waa arrin ku xiran haddii beri hore aad heer dugsiyada biloowga-hoose-dhexe wax ku soo baratay iyo haddii kale.

Waxaa waajib kugu ah, markii aad wax baranayso
inaad laf ahaantaada kaalmo-dhaqaaleedka
waxbarashada codsato.  

Shuruudaha CSN waxaa kamid ah in sannad-waxbarashadeed
aad sii fiican u dhamaysatay,
haddii aad doonayso in kaalmo-dhaqaaleedka waxbarashada lagu siiyo sannad-waxbarashadeed ku xiga.

Amaahda alaabta guriga (Hemutrustningslån)


Haddii aad ajenibi tahay, oo degmada qaxooti ahaan
lagugu soo-dhoweeytay, waxaad CSN ka
amaahan karta amaahda
loo yaqaanno amaahda alaabta guriga.   
 
Amaahda alaabta guriga waxaa loogu talagalay in lagu iibsado,
waxyaalaha guriga la dhigto,
sida alaabta iyo maacuunta.
 
Markii amaahda CSN aad dib u bixinayso,
waxaad bixinaysa korsaarka deynta,
korsaarka waa kharashka deynta.
 
Heerka lacagta aad amaahan karto,
waa hadba nooca hoygaaga,
iyo tirada xubnaha qoyskaaga,
haddii keligaa aad nooshahay, iyo haddii qof aad aqal ka kireysatay, lacagta ugu badan ee aad aamahan karto waa 5000 karoon.
 
Haddiise adiga iyo qoyskaaga aad kireysateen guri idinka gaar idin ah, tiradiina ay tahay shan qof ama ka badan, waxaad ugu badnaantii amaahan kartiin 35 000 karoon.
 
Kadib markii laba sano ay ka soo wareegato, tan iyo markii lacagta lagu siiyay,
ayaa waxaa waajib kugu ah, dib u bixinta amaahda.
Laakinse CSN wuxuu xisaabinta korsaarka,
ka soo bilaabayaa maalinta lacagta lagu siiyay. Haseyeeshe, haddii aad doonayso, dib u bixinta waxaad bilaabi karta ka hor. Sidaaso kale waxaad dib u bixin karta amaahdo idil, adigoo kolba xooga iska bixiyo. Sannadikii 2008 korsaarku wuxuu ahaa boqolkiiba 4,55%.

Warbixin faahfaahsan la akhriso goobta Internetka ee CSN www.csn.se

Taageero-dhaqaaleed, loona yaqaanno cayrta (Ekonomiskt bistånd  som också kallas socialbidrag).


Waad heli karta taageero-dhaqaaleed, haddii dhaqaale
ahaan aadan isku filnayn oo si kale noolol-maalmeedkaaga aadan heli karin. Laakinse taageero-dhaqaaleedkaas waxaa lagu siinaya wakhti xadadan, oo ku beegan markii aadan isku filnayn.
 
Maamulka degmada ayaa arrinta go´aan ka gaaro,
oona bixiya taageero-dhaqaaleed.
Badi ahaan qof gacanhaayeha ka ah maamulka adeegga bulshada,
ayaa arrinta ka arrinsado.
 
Markii gacanhaayeha uu arrinta taageero-dhaqaaleed ka arrinsanaayo,
wuxuu fiirogaar ah siiyaa heer-nololeedka qarmeed riksnormen.
Heer-nololeedka qarmeed waxaa ku qoran inta lacag ee lagu siin karo.
oo aadenaha noolol-maalmeedkiisa dalka Iswiidan muhim u ah, dowladda dalka Iswiidan waxay sannad kasta go´aan ka gaarta heerka Heer-nololeedka qarmeed.
 
Markii aad codsanayso taageero-dhaqaaleedka  
waxaad heleysa caawinaad-dhaqaaleedka kharashka hoyga,
koroontada, caymiska hoyga, raashinka, dharka, kabaha, ciyaar iyo wakhtilummiska, waxyaalaha noolol-maalmeedka la adeegsado,
caafimaadka iyo hufnaanta, wargeysyada maalmeedka, taleefan iyo ruqsada telefiishanka.

Waad heli karta caawinaad masruuf  nooc kale.  
Haddii dhaqaale ahaan aad isku filan tahay, laakinse aad u baahn tahay
in yar oo caawinad ah, sida waxaa heli karta taageero-dhaqaaleed  daryeel-caafimaadeedka iyo dawooyinka, daryeel-caafimaadeedka ilkaha, qalabka guriga iyo okiyaallo.
 
Degmooyinka badidooda waxay leeyihiin kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada, kaasoo in yar ka badan Heer-nololeedka qarmeed, sidaas ayaa ku heli karta kaalmo-dhaqaaleedka inyar kabadan. Waa  haddii la barbardhigo kaalmo-dhaqaaleedka caadiga ah.  Maamulka degmooyinka qaarkood waxay kaloo baraan haddii hanti aad leedahay oo tusaale ahaan daryeel-caafimaadeedka ilkaha.
 
Laf ahaantaada ayaa taageero-dhaqaaleedka codsanayso.  
Adiga had iyo jeer waxaad xaq u leedahay inaad kaalmo-dhaqaaleedka codsato,
waa haddii aad doonayso.
Markii aad codsanayso taageero-dhaqaaleedka, wuxuu taliska-degmooyinka fiirogaar ah siinaya guud ahaan isku-darka daqliga qoyska.
Macneheedu waxay tahay in daqliga xubnaha qoyska, sida mushahar, kaalmo-dhaqaaleedka waalidiinta, kaalmo-dhaqaaleedka carruurta iyo
kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada loo xisaabinaayo sida daqliga codsadeha.

Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00