Waxaan u nool nahay keli noole iyo keli noole,
qoys yar oo carruur tiro yar leh, qoys wayn oo carruur tiro badan leh,
oo dhamaantood isku waalid ahayn,
iyo qoysas xubnahooda kala da´wayn ah.
Baaqa carruurta wuxuu farayaa in qaranka
u hubsado in cunug kasto u helo xuquuqiisa.
Qaranku waa in qoysaska uu taageero siiya, una fududeeyo sidii
carruurtooda ay hab heer sare ah u daryeeli lahaayeen.
Sida hadba ku xusan Xeera adeegga bulshada iyo Xeerka waalidiinta, qofka carruurta ah waxaa lagu tilmaamay dhamaan dadyoowga da´dooda 18 sano ka hoseeyso.
Adeegga bulshada ee maamulka degmada
waxaa waajib ku ah in u wax ka qabto carruurta degmada ku dhibaataysan,
loo geysto fal xoog-muquunis ku salaysan,
ama haddii xilhaayeha/waalidka uu cunuggu siin karin
waxa cunugga u xaq u leeyahay. Qodobadaas waxay ku faran yihiin xeerka maamulka adeegga bulshada.
Haddii waalidiinta carruurta aysan raashin
siinin ama fal jirdil u geystan,
ama siyaabo kale meelkadahca u geystaaan, waa in Adeegga bulshada
ee maamulka degmada wax arrinta ka qabto.
Haddii xaalada cunug u ku sugan yahay, aysan wanaagsanayn, waa in maamulka arrimaha bulshada uu arrinta qoyska kala tashada, u na hubsado in cunugu u helo taageerada, caawinaadda iyo badbaadada cunugga uu baahan yahay.
Waxaa dhici karto in cunugu u daryeelka ugu habboon u ka heli karo,
goob goobta qoyskiisa ka baxsan.
Haddii maamulka arrimaha bulshada iyo waalidiinta ama
xilhaayeha/waalidka ay ku heshiin karin wixii la qaban laha,
maamulka adeegga bulshada waxaa waajib ku ah in u baaro
waxa cunugga u baahan yahay, kadib na siiyo xitaa haddii waalidiinta ama xilhaayeha/waalidka aysan doonayn.
Waxaa dhici karto in maamulka adeegga bulshada
ay la tahay in cunugu u daryeelka ugu habboon u ka heli karo,
goob goobta qoyskiisa kaa baxsan, inkastoo haddana
qoyskiisa aysan arrintaas raali ka ahayn.
Maamulka adeegga bulshada wuxuu xaaladaas
sida hadba ku qoran Xeerka daryeelka dhallinyarada LVU,
arrinta u bandhigi karaan Maxkamad-goboleedka rafcaanka länsrätten.
Cunugga iyo qoyskaba waxaa loo qabanayaa qof qareen ah.
Maxkamad-goboleedka rafcaanka waxay gaaraysa in xannaanaynta cunugga loola wareego, oo lagu daryeelo qoob qoyskiisa ka baxsan ama go´aan nooc kale ah.Xeera adeegga bulshada waxaa ku qoran in qof kasta u
hey´adaha dowlada wargeliyo haddii
uu ka shakisan yahay in cunug u
dhibaataysan yahay ama sii xun loola dhaqmaayo.
Gabdhaha iyo dumarka da´da yar waxay
u dhibaataysan yihiin cadaadis ku salaysan karaamada,
xitaa wiilasha ka soo horjeeda dhaqamada qoysaska
sidaaso kale ayee u dhibaataysan yihiin.
Markii aabeyaasha ay hogaaminyaan,
dumarka waxay ku sugan yihiin xaalad hooseeysa,
karaamadooda na waxay ku xiran tahay jinsigeeda.
Sidaas awgeed, kormeerida hab-dhaqanka jinsiga ee
dumarka qaangaarka ah, waxay noqonaysa arrin qoyska ugu muhimsan.
Xubnaha qoyska oo idil waxay wada-jir gaashaanka
u dhigayaan karaamada qoyska,
wiilasha qaraabada ah waxaa lagu
qasbayaa in ay ilaaliyaan gabdhaha walaalahooda ah.
Haddii wiilasha aysan hawlgalkaas ku dhaqaaqin,
Taasoo keeneyso in ragga iyo dumarka ba, ay ku dhaqaaqan falal cadaadis dumarka iyo gabdhaha iyo xitaa wiilasha ku salaysan.
Xooq-muquuniska ku salaysan karaamada iyo cadaadiska dalka Iswiidan waa ka mamnuuc.
Dadyoowga ku kaca falalka jirdilka, hanjibaadka, qasabka ama dil, iyagoo adeegsanaayo magaca karaamada, waa la ciqaba sida hadba ku xusan xeerka dalka Iswiidan.
Dadyoowga ka shaqeeya dugsiyada, goobaha carruurta lagu xannaaneeyo, maamulka arrimaha bulshada iyo hey´adaha arrimaha carruurta khuseeya, haddii ay ka shakisan yihiin in cunug u dhibaataysan yahay waxaa waajib ku ah in hey´adaha arrinta khuseeya ay wargeliyaan.
Bulshada dalka Iswiidan hab heer sare ah ayee ugu hawlgasha, sidiii loo badbaadi lahaa dadyoowga loo dhibateeyo ama loo geysto cadaadis xooq-muquuniska ku salaysan.
Xeerka mamnuucayo falka gudniinka wuxuu dalka Iswiidan ka hirgalay 1 luulyo 1998. Qofkii xeerkaas jebiya waxaa lagu ciqaabi karaa ilaa afar sano oo xabsi ah.
Sidaaso kale ayaa loo ciqaabaya qofkii kaalin ka geysta fulinta falka gudniinka ee dal dibadeed lagu fuliyay.
Gudniinka dumarka waa markii qofku u wax jirka dumarka ka jaraayo, ama dhawaac yar ama wayn u geysto saxaaxa dumarka. Waa fal halis u ah oo si kastaba u waxyeelaayo caafimaadka haweeneyda.
Falka gudniinka kadib waxaa haweeneyda ka soo qulquli karo dhiig badan, naxdin wayn waxayn qaadi karta infeekshan.
Waxaa waxyeelmi karo xubnaha iyo dareenwadeyaal kale. Waxaa dhacday gabdho gudniinka awgiis u geeriyoodeen.
Markii gabadha ay qaangaar noqoto, waxay la kulmi doonta dhibaato xagga galmada iyo dhalmada ba. Teeda kale waxaa ku dhici karo niyadjab.
Gudniinka ragga waxaa loo sameeyaa iyadoo dalfada guska ku taalo laga gooyo, iyo iyadoo qallin la adeegsanaayo.
Waa in wiilka waalidiintiisa ruqsad laga haysto, teeda kale waxaa waajib ah in waalidiinta la siiyo warbixin ku saabsan gudniinka.
Xeerka wuxuu farayaa in wiilkii awoodo, in uu aragtidiisa muujiyo, in usan raali ka ahayn gudniinka, xitaa haddii waalidiintiisa ay doonayaan, waa mamnuuc in la gudo.
Dadyoowga dalka Iswiidan ku nool isma guursan karaan haddii da´dooda 18 sano ay ka hooseeyso. Qofkii da´diisa 18 sano ka hooseeyso oo ku talo jiro in uu guursado, wuxuu goleha gobolka länsstyrelsen ka codsan karaa ruqsada guurka.
Nin iyo naag way is-guursan karaan, laba dumar way is-guursan karaan, laba nin way is-guursan karaan.
Waalidiinta ma guursan karaan carruurtooda, ama carruurta carruurtooda ay dhaleen. Sidaaso kale laba walaalo ah isma guursan karaan. Labada isku hooyada ah ama aabe ah ee doonayaan in ay is-guursadaan waa in Goleha gobolka ruqsad ka qaataan.
Dalka Iswiidan waa mamnuuc laba xaasle iyo wixii ka badan.
Ujeedada cadaynta laga leeyahay ayaa waxay tahay, in la baaro haddii ay jirto wax sharci ahaan xayiraayo in labadiina aad is-guursan kartaan.
Xilliga nikaaxa Waxaa waajib ku ah in labada dhinac ay goobjoog yihiin xilliga nikaxa, iyo in labadaba ay yiraahdaan guurka waan oggol nahay in an is-nikaaxsanno.
Kadib markii labada dhinac ay sidaasi yiraahdaan ayuu qaaliga isku kiin mehrin kara.
Qof kasta falka nikaaxa kuma dhaqaaqi karo, kuwa falkaas ku dhaqaaqi karo waxaa kamid ah:
Safaaradaha dalka Iswiidan qaarkood ka hawlgala adduunwaynaha.
Badi ahaan waxaa codsiga laga soo fekera muddo 6 bilood ah. Waa haddii aad leedihiin carruur da´dooda 16 sano ka hooseeyso, ama midkiina u codsado xilliga ka soo fiirsashada. Lex bilood kadib waxaa waajib idinku ah in midkiina uu maxkamadda la xiriiro, ee uu ka codsado in codsiga la fuliyo, waa haddii weli aad doonaysan inaad kala tagtaan. Haddii
labada dhinaca aysan carruur lahayn, oona doonayaan in ay kala tagaan, maxkamadda daahid la´aan ayee furitaanka go´aaminaysa.
Haddii waalidiinta ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda carruurtooda, maxkamadda waxay go´aan ka gaaraysa arrinta, kaasoo noqon karo xilhaynta xannaanadda carruurta wadajirka ah ama xilhaynta xannaanadda carruurta keliga ah.
Go´aanka maxkamadda wuxuu ku salaysan yahay waxa cunugga u roon. Maxkamadda waxaa waajib ku ah in gaar ahaan u tixgeliso haddii cunugga loo geysan karo dhibaato, jirdil ama siyaabo kale la waxyeeli karo.
Teeda kale maxkamadda waxaa waajib ku ah in ay tixgeliso in cunugu uu baahan yahay, gacalka iyo xiriirka labadiisa waalid.
Waa in la tixgeliya rabitaanka cunugga hadba da´diisa, laakinse waa in cunugga marna lagu qasbin in uu kala doorto.
Xeerka isla-nooleyaasha wuxuu farayaa
waxay xaqa ay ku leeyihiin ku saabsan waxaa ay wada leeyihiin markii ay kala tagayaan.
Labada qof waxay codsan karaan qaybinta hantida hoyga. Laba dhinac midkood wuxuu maxkamadda ka codsan kara qof u kala qaybiya hantida hoyga bodelningsförrättare. Qofkaas wuxuu baaraya go´aanna ka gaaraya hantida qof kasta u xaq u leeyahay markii ay kala tagayan.
Waad heli karta qof aad la hadasho oo talo ku soo jeediyo, iyo ku siiyo jawaabta su´aalahaaga ku saabsan wargelinta ciidanka booliska ama ku saabsan muranka xilhaynta carruurta.
Heeganka dumarka waxay dumarka siiyaan caawinaad degdeg ah leh hoy iyo adrees qarsoon. Heeganka dumarka dhamaantood waxay leeyihiin taleefanka heeganka, oo aad wici karto. Looma baahna inaad magacaaga sheegto, lamana diiwan-geliyo soo wicida.
Waxaa jirto waxbarashada arrimaha xiriirka la lex galmada, iyo barashada wada-noolashada lagu dhigo dugsiyada dalka Iswiidan.
Bulshada waxaa laga hela caawinaadda qorsheha qoyska iyo daryeel-caafimaadeedka loogu talagalay hooyooyinka.
Dalka Iswiidan arrimaha xiriirka la lex galmada waa arrin caadi ah oo ka tirsan xiriirka jecelka xitaa haddii labada qof ay is-qabin ama ay isla degenayn.
Dumarka iyo ragga waa isku xuquuq, waxayna haystaan xuriyad ay isku jeclaadaan, isla joogaan qofkii markaas ay doonayaan ama ay xiiseynaayaan
Dumarka iyo ragga qofka ay doonan ay xiriir la yeelan karaan.
Xeerka wuxuu mamnuucayaa in qof qof kale ku dirqiyo fal isutag ku salaysan, falalka noocaasi ah waxaa weeyaan fal kufsasho ah.
Falalka kufsashada ee dalka Iswiidan ka dhacaan, kuma dhacaan weeraarka qof an la aqoon, ee wuxuu ka dhex dhaca ninka iyo xaaskiisa ama saxiib iyo saxiibadeeda.
Dumarka badidooda falalka kufsashada ma wargeliyaan hey´adaha. Laakinse xaqiiqada waxay tahay in falka kufsiga ee odayga ama saxiibka haweeneyda iyo falka kufisga ee qof shisheeye ah u geystay waa isku mid.
Xitaa ragga fal kufsi ku salaysan waa loo geysan kara, faleha wuxuu noqon kara qof dumar aha ama nin.
Haddii haweeneyda ama ninka uu maya yirahdo waa maya ee macne kale ma laha. Qof kasta isaga aya jirkiisa u taliyo
Cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo, is taabtaan saxaaxyada, afka ama futada, iyo marmar dhiigga.
Cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo wuxuu lahaan kara dhibaatooyin yaryar ama dhibaato la´aan. Waxay keeni karaan finan yaryar, ma dhale ama cudurka hiv.
Sidaas awgeed, waa muhim in qof takhtar ah u ku baaro, haddii aad ka shakisan tahay in cudur lagu qaadsiiyay.
Xeerka ka badbaadida cudurrada lays qaadsiiyo wuxuu farayaa in uu waajib kugu yahay, inaad is-baarto haddii aad ka shakisan tahay in cudur lagu qaadsiiyay. Teeda kale, waxaa waajib ku ah inaad u sheegto qofkii xiriirka galmada aad la yeelatay haddii aad xannuunsato.
Siyaabaha looga badbaado cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo waxaa kamid ah iyadoo la adeegsado galka guska. Galka guska wuxuu kaloo ka badbaadinayaa cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo iyo uur-qaadida.
Rugta daryeel-caafimaadeedka dhallinyarada, rugta daryeel-caafimaadeedka, rugta daryeelka hooyoyinka waxaa heli karta caawinaad iyo taageero oo aad ku doorato Waxyaalaha uur-qaadida looga badbaado oo adiga kugu habboon.
Laakinse weli waxaa jiro iska-neebcaan tiro badan ku saabsan dadyoowga khaniisiinta ah. Dadyoowga khaniisiinta ah waxay halis u yihiin in falal xoog-muquunis ku salaysan, iyo hanjibaad xoog muquunis ku salaysan iyo cunsuriyeen loo geysto.
Haddaba sidii looga hortago awgiis, waxaa jiro xeerar lagu badbaadiyo dadyoowga khaniisiinta ah iyo xuquuqdooda.
Dadyoowga khaniisiinta ah dalka Iswiidan way is-guursan karaan, 2002 wuxuu barlamaanka dalka Iswiidan sharciyeeyay qodobkaas oo ah in dadyoowga khaniisiinta ah ay is-guursan karan oona carruur korsan karaan.






Hedersrelaterat våld
Hedersförtyck
Elektra
Äktenskap och skilsmässa
Äktenskapsbalken
Skilsmässa, Tingsrätten
Kvinnojourer
ROKS
Kvinnofridslinjen
Kvinnojouren i din kommun:
Boxholm
Finspång
Kinda
Linköping
Mjölby
Motala
Norrköping
Söderköping
Vadstena
Valdemarsvik
Ydre
Åtvidaberg
Ödeshög
Sexualitet
RFSU
RFSL
Ungdomsmottagningen
Socialtjänsten i din kommun:
Boxholm
Finspång
Kinda
Linköping
Mjölby
Motala
Norrköping
Söderköping
Vadstena
Valdemarsvik
Ydre
Åtvidaberg
Ödeshög
