6. Xuquuqda carruurta iyo siyaasadda qoyska ee dalka Iswiidan (Barns rättigheter och svensk familjepolitik)

Dalka Iswiidan siyaabo kale duwan ayuu qof kasta u nool yahay.
Waxaa isla nool nin iyo haweeney,
waxaa jiro rag isla nool,
waxaa kaloo jira dumar isla nool.

Waxaan u nool nahay keli noole iyo keli noole,
qoys yar oo carruur tiro yar leh, qoys wayn oo carruur tiro badan leh,
oo dhamaantood isku waalid ahayn,
iyo qoysas xubnahooda kala da´wayn ah.

Xuquuqda carruurta (Barns rättigheter)


Baaqi carruurta ee Qaramada Midoobay (FN:s barnkonvention)


Qaramada Midoobay, FN,  wuxuu leeyahay baaqa xuquuqda carruurta.
Waa baaq Qaramada midoobay
ansixiyeen 1989.
 
Dhammaan dalalka adduunka oo idil way saxiixeen, laakinse waxaa ka reeban dalala Mareekanka iyo Soomaliya.
 
Siyaasadda dalka Iswiidan waxay tixgelisa baaqa Qaramada Midoobay. Kaasoo ah baaq ku xusan xuquuqda carruurta. Waxaa ku qoran qodob lagu ilaalinaayo xuquuqda carruurta, kuwasoo kamid ah in:
  • Carruurta lagu takoori karin,taasoo u sabab ah goobta ay ku dhasheen, jinsigooda amadiintooda, ama haddii itaaldarro ay yihiin.
  • Go´aamada hey´adaha ku saabsan ammuuraha carruurta, in had iyo jeer tixgelin gaar ah la siiya qodobka carruurta dan ugu jirto.
  • Carruurta iyo dhallinyarada waxay xaq ku leeyihiin noolal, iyo hab korniin hadba taagtooda ah, lana tixgeliyo waxa ay awoodaan.
  • Carruurta iyo dhallinyarada waxay xaq u leeyihiin in ay soo bandhigaan wixii aragtidooda ah, iyo arrimaha iyaga khuseeya.

Baaqa carruurta wuxuu farayaa in qaranka
u hubsado in cunug kasto u helo xuquuqiisa.
Qaranku waa in qoysaska uu taageero siiya, una fududeeyo sidii
carruurtooda ay hab heer sare ah u daryeeli lahaayeen.

Xeerarka dalka Iswiidan (Svenska lagar)


Dalka Iswiidan wuxuu leeyahay Xeerka adeegga bulshada  iyo Xeerka waalidiinta, kuwaasoo carruurta dalka Iswiidan ku nool ka badbaadinaayo dhibaatada bulshada.

Sida hadba ku xusan Xeera adeegga bulshada iyo Xeerka waalidiinta,  qofka carruurta ah waxaa lagu tilmaamay dhamaan dadyoowga da´dooda 18 sano ka hoseeyso.

Xeerka waalidiinta (Föräldrabalken)


Xeerka waalidiinta waxaa ku faran in
Carruurta dhammaantood ay xaq u leeyihiin ammaan,
waxbarasho,  masruuf  iyo barbaarin.
 
Xilhaayeha/waalidka ayaa waajib ku ah in carruurta
ay helaan waxa ay xaq ku leeyihiin.
Waa mamnuc in carruurta fal jirdil ku salaysan loo geysto.
Waalidiinta waa in marna aysan carruurta  fal meelkadhac ah u geysan.

Xeerka maamulka adeegga bulshada (Socialtjänstlagen)


Maamulka degmada waa in u hubsata in
dhammaan  carruurta ay
ka helaan degmada ay ku nool yihiin.

Adeegga bulshada ee maamulka degmada
waxaa waajib ku ah in u wax ka qabto carruurta degmada ku dhibaataysan,
loo geysto fal xoog-muquunis ku salaysan,
ama haddii xilhaayeha/waalidka uu cunuggu siin karin
waxa cunugga u xaq u leeyahay. Qodobadaas waxay ku faran yihiin xeerka maamulka adeegga bulshada.

Haddii waalidiinta carruurta aysan raashin
siinin ama fal jirdil u geystan,
ama siyaabo kale meelkadahca u geystaaan, waa in Adeegga bulshada
ee maamulka degmada wax arrinta ka qabto.

Haddii xaalada cunug u ku sugan yahay, aysan wanaagsanayn, waa in maamulka arrimaha bulshada uu arrinta qoyska kala tashada, u na hubsado in cunugu u helo taageerada, caawinaadda iyo badbaadada cunugga uu baahan yahay.

Mudnaanta koowaad waxaa had iyo jeer la siiya waxa cunugga u roon  (Barnets bästa styr)


Hawlgalka maamulka arrimaha bulshada wuxuu had iyo jeer ku salaysan yahay,
mudnaan-siinta waxa cunugga u roon.
Maamulka arrimaha bulshada wuxuu
qoyska siin kara talo iyo taageero.
Waxay siin karaan xannaanayn iyo daryeel.

Waxaa dhici karto in cunugu u daryeelka ugu habboon u ka heli karo,
goob goobta qoyskiisa ka baxsan.
Haddii maamulka arrimaha bulshada iyo waalidiinta  ama  
xilhaayeha/waalidka ay ku heshiin karin wixii la qaban laha,
maamulka adeegga bulshada waxaa waajib ku ah in u baaro
waxa cunugga u baahan yahay, kadib na siiyo xitaa haddii waalidiinta  ama  xilhaayeha/waalidka aysan doonayn.

Waxaa dhici karto in maamulka adeegga bulshada
ay la tahay in cunugu u daryeelka ugu habboon u ka heli karo,
goob goobta qoyskiisa kaa baxsan, inkastoo haddana
qoyskiisa aysan arrintaas raali ka ahayn.

Maamulka adeegga bulshada wuxuu xaaladaas
sida hadba ku qoran Xeerka daryeelka dhallinyarada LVU,
arrinta u bandhigi karaan Maxkamad-goboleedka rafcaanka länsrätten.
Cunugga iyo qoyskaba waxaa loo qabanayaa qof qareen ah.
Maxkamad-goboleedka rafcaanka waxay gaaraysa in xannaanaynta cunugga loola wareego, oo lagu daryeelo qoob qoyskiisa ka baxsan ama go´aan nooc kale ah.Xeera adeegga bulshada waxaa ku qoran in qof kasta u
hey´adaha dowlada wargeliyo haddii
uu ka shakisan yahay in cunug u
dhibaataysan yahay ama sii xun loola dhaqmaayo.

Xooq-muquuniska ku salaysan karaamada (Hedersrelaterat våld)


Xooq-muquuniska ku salaysan karaamada iyo cadaadis
wuxuu ka dhaca bulshada,
ama qoysas aabeyashooda ka taliyaan,
ama qaraabo doonayaan in ay ilaaliyaan karaamada qoyska.

Gabdhaha iyo dumarka da´da yar waxay
u dhibaataysan yihiin cadaadis ku salaysan karaamada,
xitaa wiilasha ka soo horjeeda dhaqamada qoysaska
sidaaso kale ayee u dhibaataysan yihiin.

Markii aabeyaasha ay hogaaminyaan,
dumarka waxay ku sugan yihiin xaalad hooseeysa,
karaamadooda na waxay ku xiran tahay jinsigeeda.

Sidaas awgeed, kormeerida hab-dhaqanka jinsiga ee
dumarka qaangaarka ah, waxay noqonaysa arrin qoyska ugu muhimsan. 
Xubnaha qoyska oo idil waxay wada-jir gaashaanka
u dhigayaan karaamada qoyska,
wiilasha qaraabada ah waxaa lagu
qasbayaa in ay ilaaliyaan gabdhaha walaalahooda ah.
Haddii wiilasha aysan hawlgalkaas ku dhaqaaqin,

Labada  waalidiin waxay ilaalinayaan karamada


(Båda föräldrarna skyddar hedern)


Dumarka qoyska waxaa xilsaaran in ay carruurtooda barbaariyaan,
sidaas awgeed, iyaga ayaa lagu
eedeynayaa haddii carruurtooda ay
ku dhaqaaqaan falal waxyeelaayo karaamada qoyskooda.

Taasoo keeneyso in ragga iyo dumarka ba, ay ku dhaqaaqan falal cadaadis dumarka iyo gabdhaha iyo xitaa wiilasha ku salaysan.

Xooq-muquuniska ku salaysan karaamada iyo cadaadiska dalka Iswiidan waa ka mamnuuc.
Dadyoowga ku kaca falalka jirdilka, hanjibaadka, qasabka ama dil, iyagoo adeegsanaayo magaca karaamada, waa la ciqaba sida hadba ku xusan xeerka dalka Iswiidan.

Dadyoowga ka shaqeeya dugsiyada, goobaha carruurta lagu xannaaneeyo, maamulka arrimaha bulshada iyo hey´adaha arrimaha carruurta khuseeya, haddii ay ka shakisan yihiin in cunug u dhibaataysan yahay waxaa waajib ku ah in hey´adaha arrinta khuseeya ay wargeliyaan.

Bulshada dalka Iswiidan hab heer sare ah ayee ugu hawlgasha, sidiii loo badbaadi lahaa dadyoowga loo dhibateeyo ama loo geysto cadaadis xooq-muquuniska ku salaysan.

Gudniinlka dumarka (Kvinnlig könsstympning )


Gudniinka dumarka waa dam xuquuqda aadenaha laga falay, waa na fal mamnuc dalka Iswiidan ka ah. Sidaaso kale waa mamnuuc in gabdhaha lagu soo gudo dal kale.   

Xeerka mamnuucayo falka gudniinka wuxuu dalka Iswiidan ka hirgalay 1 luulyo 1998. Qofkii xeerkaas jebiya waxaa lagu ciqaabi karaa ilaa afar sano oo xabsi ah.

Sidaaso kale ayaa loo ciqaabaya qofkii kaalin ka geysta fulinta falka gudniinka ee dal dibadeed lagu fuliyay.
Gudniinka dumarka waa markii qofku u wax  jirka dumarka ka jaraayo, ama dhawaac yar ama wayn u geysto saxaaxa dumarka. Waa fal halis u ah oo si kastaba u waxyeelaayo caafimaadka haweeneyda.

Falka gudniinka kadib waxaa haweeneyda ka soo qulquli karo dhiig badan, naxdin wayn waxayn qaadi karta infeekshan.

Waxaa waxyeelmi karo xubnaha iyo dareenwadeyaal kale. Waxaa dhacday gabdho gudniinka awgiis u geeriyoodeen.

Markii gabadha ay qaangaar noqoto, waxay la kulmi doonta dhibaato xagga galmada iyo dhalmada ba. Teeda kale waxaa ku dhici karo niyadjab.

Gudniinka ragga (Manlig omskärelse)  


Gudniinka ragga dalka Iswiidan mamnuuc kama aha, waa haddii hab sax loo sameeyo, oo xaalada sugan.

Gudniinka ragga waxaa loo sameeyaa iyadoo dalfada guska ku taalo laga gooyo, iyo iyadoo qallin la adeegsanaayo.

Waa in wiilka waalidiintiisa ruqsad laga haysto, teeda kale waxaa waajib ah in waalidiinta la siiyo warbixin ku saabsan gudniinka.

Xeerka wuxuu farayaa in wiilkii awoodo, in uu aragtidiisa muujiyo, in usan raali ka ahayn gudniinka, xitaa haddii waalidiintiisa ay doonayaan, waa mamnuuc in la gudo.

Guurka (Äktenskap)


Labada qof oo is-qaba waa in labadooda ba ay daryeelaan hoygooda iyo carruurtooda ba. Xeerka guurka wuxuu farayaa in ay dhammaan kharashka qoyska ay qaybsadaan, hoygooda na wadajir u hagaagsadaan.

Dadyoowga dalka Iswiidan ku nool isma guursan karaan haddii da´dooda 18 sano ay ka hooseeyso. Qofkii da´diisa 18 sano ka hooseeyso oo ku talo jiro in uu guursado, wuxuu goleha gobolka länsstyrelsen ka codsan karaa ruqsada guurka.

Nin iyo naag way is-guursan karaan, laba dumar way is-guursan karaan, laba nin way is-guursan karaan.

Waalidiinta ma guursan karaan carruurtooda, ama carruurta carruurtooda ay dhaleen. Sidaaso kale laba walaalo ah isma guursan karaan. Labada isku hooyada ah ama aabe ah ee doonayaan in ay is-guursadaan waa in Goleha gobolka ruqsad ka qaataan.
Dalka Iswiidan waa mamnuuc laba xaasle iyo wixii ka badan.

Caddaynta (Hindersprövning)


Intii adan is-guursan Hey´adda canshuurta waxay ku dhqaaqi doonta, baaritaanka loo yaqaanno hindersprövning.

Ujeedada cadaynta laga leeyahay ayaa waxay tahay, in la baaro haddii ay jirto wax sharci ahaan xayiraayo in labadiina aad is-guursan kartaan.

Xilliga nikaaxa Waxaa waajib ku ah in labada dhinac ay goobjoog yihiin xilliga nikaxa, iyo in labadaba ay yiraahdaan guurka waan oggol nahay in an is-nikaaxsanno.
Kadib markii labada dhinac ay sidaasi yiraahdaan ayuu qaaliga isku kiin mehrin kara.

Qof kasta falka nikaaxa kuma dhaqaaqi karo, kuwa falkaas ku dhaqaaqi karo waxaa kamid ah:

  • Wadaada kiniisada dalka Iswiidan
  • Wadaada diimaha kale ee ruqsad Goleha gobolka ka haysto
  • Garsooreha maxkamadda
  • Kuwa kale ee ruqsad Goleha gobolka ka haysto, sida wakiilada degmooyinka xubno ka ah xisbiyada dalka Iswiidan

Safaaradaha dalka Iswiidan qaarkood ka hawlgala adduunwaynaha.

Furitaanka (Skilsmässa)


Guurka wuxuu burburi karaa markii labada is-qaba midkood uu geeriyoodo ama is-furaan.
Haddii midkiina uu doonaayo furitaan, waa in maxkamad u ka codsada.

Badi ahaan waxaa codsiga laga soo fekera muddo 6 bilood ah. Waa haddii aad leedihiin carruur da´dooda 16 sano ka hooseeyso, ama midkiina u codsado xilliga ka soo fiirsashada. Lex bilood kadib waxaa waajib idinku ah in midkiina uu maxkamadda la xiriiro, ee uu ka codsado in codsiga la fuliyo, waa haddii weli aad doonaysan inaad kala tagtaan. Haddii
labada dhinaca aysan carruur lahayn, oona doonayaan in ay kala tagaan, maxkamadda daahid la´aan ayee furitaanka go´aaminaysa.

Xilhaynta xannaanada carruurta iyo xilliga furitaanka (Vårdnad om barn vid skilsmässa)

 
Markii laba qof ay is-qabaan, waxay wadaagaan xilhaynta xannaanadda carruurtooda. Haddaba markii furitaanka ay codsadaan, waa in maxkamadda ay wageliyaan haddii ay doonayaan xilhaynta xannaanadda carruurta wadajirka ama xilhaynta xannaanadda carruurta keliga ah.

Haddii waalidiinta ay ku heshiin karin xilhaynta xannaanadda carruurtooda, maxkamadda waxay go´aan ka gaaraysa arrinta, kaasoo noqon karo xilhaynta xannaanadda carruurta wadajirka ah ama xilhaynta xannaanadda carruurta keliga ah.

Go´aanka maxkamadda wuxuu ku salaysan yahay waxa cunugga u roon. Maxkamadda waxaa waajib ku ah in gaar ahaan u tixgeliso haddii cunugga loo geysan karo dhibaato, jirdil ama siyaabo kale la waxyeeli karo.

Teeda kale maxkamadda waxaa waajib ku ah in  ay tixgeliso in cunugu uu baahan yahay, gacalka iyo xiriirka labadiisa waalid.  

Waa in la tixgeliya rabitaanka cunugga hadba da´diisa, laakinse waa in cunugga marna lagu qasbin in uu kala doorto.

Xeerka wada-noolashada (Sambolagen)


Laba qof isku jinsi ah ama kala jinsi ah, oo xiriir ka dhaxeeya awgiis isla-nool, iyagoo haddana an is-qabin, laakinse qaybsada hoyga waxaa la yiraahda isla-nooleyaal sambor.

Xeerka isla-nooleyaasha wuxuu farayaa
waxay xaqa ay ku leeyihiin ku saabsan waxaa ay wada leeyihiin markii ay kala tagayaan.

Labada qof waxay codsan karaan qaybinta hantida hoyga. Laba dhinac midkood wuxuu maxkamadda ka codsan kara qof u kala qaybiya hantida hoyga bodelningsförrättare. Qofkaas wuxuu baaraya go´aanna ka gaaraya hantida qof kasta u xaq u leeyahay markii ay kala tagayan.

Heeganka dumarka wuxuu magangeliya dumarka (Kvinnojourer skyddar kvinnor)


Xoog-muquuniska ragga ee dumarka u geystaan waaa dhibaato bulshodeed oo wayn. dalka Iswiidan oo idil waxaa ku yaalaan xarumaha Heeganka dumarka, kuwaasoo loogu talagalay dumarka loo geystay jirdil ama hanjibaad.

Waad heli karta qof aad la hadasho oo talo ku soo jeediyo, iyo ku siiyo jawaabta su´aalahaaga ku saabsan wargelinta ciidanka booliska ama ku saabsan muranka xilhaynta carruurta.
 
Heeganka dumarka waxay dumarka siiyaan caawinaad degdeg ah leh hoy iyo adrees qarsoon. Heeganka dumarka dhamaantood waxay leeyihiin taleefanka heeganka, oo aad wici karto. Looma baahna inaad magacaaga sheegto, lamana diiwan-geliyo soo wicida.

Arrimaha xiriirka la lex galmada (Sexualitet)


 

Waa arrin xiriir la leh caafimaadka iyo xuriyada (En fråga om hälsa och frihet)


Arrimaha xiriirka la lex galmada waa arrin dad tiro badan muhim u ah, sidaaso kale waa aarin muhim u ah caafimaadka aadenaha, kaasoo ammaangelineyso arrimahooda xiriirka la leh galmada.

Waxaa jirto waxbarashada arrimaha xiriirka la lex galmada, iyo barashada wada-noolashada lagu dhigo dugsiyada dalka Iswiidan.
Bulshada waxaa laga hela caawinaadda qorsheha qoyska iyo daryeel-caafimaadeedka loogu talagalay hooyooyinka.

Dalka Iswiidan arrimaha xiriirka la lex galmada waa arrin caadi ah oo ka tirsan xiriirka jecelka xitaa haddii labada qof ay is-qabin ama ay isla degenayn.

Dumarka iyo ragga waa isku xuquuq, waxayna haystaan xuriyad ay isku jeclaadaan, isla joogaan qofkii markaas ay doonayaan ama ay xiiseynaayaan

Dumarka iyo ragga qofka ay doonan ay xiriir la yeelan karaan.

Qofna qofka kale kuma dirqin karo (Ingen får tvinga)


Qofna qofka kale kuma qasbi karo inuu galmo la yeesho.

Xeerka wuxuu mamnuucayaa in qof qof kale ku dirqiyo fal isutag ku salaysan, falalka noocaasi ah waxaa weeyaan fal kufsasho ah.

Falalka kufsashada ee dalka Iswiidan ka dhacaan, kuma dhacaan weeraarka qof an la aqoon, ee wuxuu ka dhex dhaca ninka iyo xaaskiisa ama saxiib iyo saxiibadeeda.

Dumarka badidooda falalka kufsashada ma wargeliyaan hey´adaha. Laakinse xaqiiqada waxay tahay in falka kufsiga ee odayga ama saxiibka haweeneyda iyo falka kufisga ee qof shisheeye ah u geystay waa isku mid.

Xitaa ragga fal kufsi ku salaysan waa loo geysan kara, faleha wuxuu noqon kara qof dumar aha ama nin.

Haddii haweeneyda ama ninka uu maya yirahdo waa maya ee macne kale ma laha. Qof kasta isaga aya jirkiisa u taliyo

Cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo (Könssjukdomar)


Isutagga wuxuu keeni kara cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo,

Cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo, is taabtaan saxaaxyada, afka ama futada, iyo marmar dhiigga.

Cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo wuxuu lahaan kara dhibaatooyin yaryar ama dhibaato la´aan. Waxay keeni karaan finan yaryar, ma dhale ama cudurka hiv.

Sidaas awgeed, waa muhim in qof takhtar ah u ku baaro, haddii aad ka shakisan tahay in cudur lagu qaadsiiyay.

Halkee aadaysaa (Vart ska du gå) ?


Waxaa lagugu baari kara rugta daryeel-caafimaadeedka dhallinyarada, rugta daryeel-caafimaadeedka, rugta daryeel-caafimaadeedka haragga iyo saxaaxa, rugta daryeelka hooyoyinka iyo rugta hooyoyinka.

Xeerka ka badbaadida cudurrada lays qaadsiiyo wuxuu farayaa in uu waajib kugu yahay, inaad is-baarto haddii aad ka shakisan tahay in cudur lagu qaadsiiyay. Teeda kale, waxaa waajib ku ah inaad u sheegto qofkii xiriirka galmada aad la yeelatay haddii aad xannuunsato.

Siyaabaha looga badbaado cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo waxaa kamid ah iyadoo la adeegsado galka guska. Galka guska wuxuu kaloo ka badbaadinayaa cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo iyo uur-qaadida.

Waxyaalaha uur-qaadida looga badbaado (Preventivmedel)


Dumarka waxay adeegsan karaan waxyaalaha uur-qaadida looga badbaado, sida kiniini, galoolan iyo kuwa loo yaqaanno p-stav ama pessar uur-qaadida looga badbaado. Laakin waxyaalaha uur-qaadida looga badbaado looga ma badbaado cudurrada lays qaadsiiyo markii la galmoonaayo. Galka galmada ayaa badbaadada noocaas ah laga heli kara.

Rugta daryeel-caafimaadeedka dhallinyarada, rugta daryeel-caafimaadeedka, rugta daryeelka hooyoyinka waxaa heli karta caawinaad iyo taageero oo aad ku doorato Waxyaalaha uur-qaadida looga badbaado oo adiga kugu habboon.

Khaniisnimada (Homosexualitet)


Tan iyo 1944 dalka Iswiidan waa laga oggol yahay xiriirka labada qof ee qaangaarka ah isku jinsiga ah.  Tan iyo 1979 Goleha adeegga arrimaha bulshada wuxuu go´aansaday in xiriirka labada qof ee isku jinsiga ah oo xiriir galmo leh an la oran waa cudur.

Laakinse weli waxaa jiro iska-neebcaan tiro badan ku saabsan dadyoowga khaniisiinta ah. Dadyoowga khaniisiinta ah waxay halis u yihiin in falal xoog-muquunis ku salaysan, iyo hanjibaad xoog muquunis ku salaysan iyo cunsuriyeen loo geysto.

Haddaba sidii looga hortago awgiis, waxaa jiro xeerar lagu badbaadiyo dadyoowga khaniisiinta ah iyo xuquuqdooda.

Dadyoowga khaniisiinta ah dalka Iswiidan way is-guursan karaan, 2002 wuxuu barlamaanka dalka Iswiidan sharciyeeyay qodobkaas oo ah in dadyoowga khaniisiinta ah ay is-guursan karan oona carruur korsan karaan.

Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00