Qofka xannuunsan ama dhaawacmay wuxuu kaloo iskiisa u aadi kara rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga ugu dhow. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka degdegga waxay ku yaalaan magaalada Norrköping, Linköping iyo Motala waxayna furan yihiin habeen iyo maalin ba.
La talieha bukaha wuxuu furan yahay habeen iyo maalin iyo maalin kasta.
Markii la talieha bukaha aad wacdo waxaad la hadlaysa qof kalkaaliso ah, waxay ku siinaysa talo ku saabsan wixii aad suubi lahayd.
La talieha bukaha wuxuu ku hadla af-iswiidisha ama af-ingriisi.
La talieha bukaha waxaa kaloo laga hela goobta Internetka, www.1177.se waxaa heli karta talo, naseexooyin iyo jawaabta su´aalahaaga.
Xarumaha daryeel-caafimaadeedka waxaa joogo takhtarro iyo kalkaalisooyinka caafimaadka. Baaritan iyo daawaynta cudurrada fudud iyo culus ba.
Dadyoowga badidooda waxay aaminsan yihiin in hab fudud ku ballanqabsan karin rugta daryeel-caafimaadeedka, badi ahaan waa in taleefan rugta daryeel-caafimaadeedka u dirta, oo aad magacaaga iyo lambarka taleefanka ku duubta qalabka farimaha lagu duubo, markaas kadib waxaa kula soo xiriiri doono hawlwadeneyada rugta daryeel-caafimaadeedka.
Haddii aadan ku hadlin af-iswiidishka ama af-ingriis waxa qof ka codsan karta in uu ku caawiyo. Laakinse markii qof takhtar ah aad la kulmayso waxaad had iyo jeer xaq ku leedahay in qof turjubaan ah lagu qabto. Laakinse waa in horranteeda aad u sheegta.
Dhammaan rugta daryeel-caafimaadeedka gobolka waxay furan yihiin isniin-jimce.
Haddaba haddii aad u baahan tahay takhtar khabiir ah ama daryeel-caafimaadeedka isbitaalka, waa in had iyo jeer marka hore aad rugta daryeel-caafimaadeedka la xiriirta.
Takhtarrada isbitaalada ku sugan aad ayee mushquul u yihiin, sidaas awgeed muddo dheer ayaa la suga. Sida haddii aad u baahan tahay inaad la kulanto qof takhtar ah, raajo ama qalliin awgood.
Markii takhtarka isbitaalka aad la kulmayso waxaad had iyo jeer xaq ku leedahay in lagu ballamiyo qof turjubaan ah.
Goobta Internetka ee la talieha bukaha (Sjukvårdsrådgivningen) www.1177.se
, waxaad ka heleysa naseexooyin iyo talo wajihan wixii aad samayn lahayn. Teeda kale goobta Internetka www.1177.se waxaad heleysa warbixin ku saabsan haddii aad daryeel-caafimaadeedka aad adayso iyo haddii kale.
Haddii cayayaan uu ku qiniini, waxaa wanaagsan in uu hoyga ku yaallo qabtaha cayayaanka, bomaatada qaboojiyeha ah iyo bomaatada hydrokortisonsalva.
Haddii qandho, infeekshan ama dhibaato kale kugu dhacdo, waxaa wanaagsan in uu aqalka ku yaallo heerkulbeegga qandhada, daawooyinka sanka lagu dhibciyo nässprej ama näsdroppar,
kiniiniyada xannuunka hoos u dhiga, kuwa xisaasiga iyo wareerka.
Qoysaska carruurta yaryar leh, waxaa habboon in aqalka uu yaallo dheecaanka loo yaqaanno vätskeersättning kaasoo laga faa´iideysan karo haddii carruurta uu shuban ama matag ku dhaco.
Haddii daawooyin aqalka ay ku yaalaan, waxaa habboon inaad kormeerto oo aad hubsato in aysan dhicin oo weli waxtarayaan.
Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay ku hadlaan luqooyin kala duwan, waxay aqoon u leeyihiin dhaqamo kala duwan, waxayna aqoon u leeyihiin ammuraha caafimaadka iyo daryeel-caafimaadeedka.
Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay caawiyaan qaxootida iyo soo-gaaletiyada dhowaan yimi, waxay ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen aqoonta daryeelka caafimaadka iyo bukaanka dalka Iswiidan.
Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay qabtaan muxadarro iyo shirar-warbixineed.
Waa warbixin ku saabsan hab-dhiska daryeelka caafimaadka iyo bukaanka dalka Iswiidan, iyo talobixinta raashinka iyo sida qofka u daryeelo ilkahiisa.
Luqooyinka muxaadaraadka waxay noqon karaan af-soomaali, af-carabi, af-bosni, af.krooati, iyo af-serbi.
Cunnada wanaagsan iyo socsocodka waxaa looga hortaga cudurrada qaarkood sida kuwa wadnaha iyo xidiidada ku dhaca, cudurka sonkorta nooca 2:aad, stroke, cudurrada ku dhaca xubnaha dhaqdhaqaaqa, noocyo kaansarka kamid ah iyo qaar kamid ah kuwa dimirka.
Jirka wuxuu u baahan yahay tamar iyo nafaqo, kuwaaso hab-shaqayntiisa muhim u ah. Hab-shaqaynta jirka waxay heer sare noqonaysa haddii hab joogto ah an u cunno quraac, qado iyo casho iyo xitaa raashinka yaryar.
Hey´adda Livsmedelsverket waxay shicibka kula talinaysa cunnida raashin caafimaad leh, kuwaasoo kamid ah in:
Dhaqdhaqaaqida badan waxay u roon tahay caafimaadka.
In yar ayaa dhaqdhaqaaqi karta, adigoo socsocdo ama maalin kasta 30 daqiiqo baaskiil wada.
Siyaabaha kale ee aad ku dhaqdhaqaaqi karto waxaa kamid ah orod, ciyaarta kubbada cagta iwm ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii.
Carruurta waxay dhaqdhaqaaqi karaan maalin kasta ugu yaraan 60 daqiiqo.

Akutmottagningar:
Linköping
Motala
Norrköping
Vårdcentralen:
Hitta din vårdcentral
Specialistmottagning:
Hitta rätt mottagning
Patientkort
Beställ ditt patientkort här
Sjukvårdsrådgivning:
1177 - Sjukvårdsrådgivningen
Kost och motion:
Statens folkhälsoinstitut
Livsmedelsverket
