7. Daryeel-caafimaadeedka iyo caafimaadka (vård och hälsa)

Cudur culus oo lama filaan ah ama shil (Akut svår sjukdom eller olycka)


Haddii qof u hab culus u xannuunsado, ama uu la kulmo shil culus, waa inaad wacda gaadiidka bukaan-socodka lambarka adigoo adeegsanaayo 112.

Qofka xannuunsan ama dhaawacmay wuxuu kaloo iskiisa u aadi kara rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga ugu dhow. Xarumaha daryeel-caafimaadeedka degdegga waxay ku yaalaan magaalada Norrköping, Linköping iyo Motala waxayna furan yihiin habeen iyo maalin ba.

La talieha bukaha (Sjukvårdsrådgivning) 1177


Haddii aad xannuunsato ama aad doonayso warbixin dheeraad ah ku saabsan daryeelka bukaanka waxaad wici karta la talieha bukaha, taleefan 1177.

La talieha bukaha wuxuu furan yahay habeen iyo maalin iyo maalin kasta.

Markii la talieha bukaha aad wacdo waxaad la hadlaysa qof kalkaaliso ah, waxay ku siinaysa talo ku saabsan wixii aad suubi lahayd.

La talieha bukaha wuxuu ku hadla af-iswiidisha ama af-ingriisi.

La talieha bukaha waxaa kaloo laga hela goobta Internetka, www.1177.se waxaa heli karta talo, naseexooyin iyo jawaabta su´aalahaaga.

Jirrada ama baahida daryeel-caafimaadeedka oo degdeg ahayn (Sjukdom eller  vårdbehov som inte är akut)


Haddii aad xannuunsan tahay, laakinse adan u baahnayn daryeel degdeg ah, waa inaad marka hore taleefan kula xiriirta rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay.

Xarumaha daryeel-caafimaadeedka waxaa joogo takhtarro iyo kalkaalisooyinka caafimaadka. Baaritan iyo daawaynta cudurrada fudud iyo culus ba.

Dadyoowga badidooda waxay aaminsan yihiin in hab fudud ku ballanqabsan karin rugta daryeel-caafimaadeedka, badi ahaan waa in taleefan rugta daryeel-caafimaadeedka u dirta, oo aad magacaaga iyo lambarka taleefanka ku duubta qalabka farimaha lagu duubo, markaas kadib waxaa kula soo xiriiri doono hawlwadeneyada rugta daryeel-caafimaadeedka.

Haddii aadan ku hadlin af-iswiidishka  ama  af-ingriis waxa qof ka codsan karta in uu ku caawiyo. Laakinse markii qof takhtar ah aad la kulmayso waxaad had iyo jeer xaq ku leedahay in qof turjubaan ah lagu qabto. Laakinse waa in horranteeda aad u sheegta.

Dhammaan rugta daryeel-caafimaadeedka gobolka waxay furan yihiin isniin-jimce.

Khabiirka cudurrada ama daryeel-caafimaadeedka isbitaalka (Specialist eller  sjukhusvård)


Haddii takhtar uu xaalad-caafimaadeedkaaga ku qiyaaso, inaad u baahan tahay in isbitaal lagugu daryeelo, wuxuu isbitaalka u dirayaa farin, taasoo loo yaqaanno remiss.

Haddaba haddii aad u baahan tahay takhtar khabiir ah ama daryeel-caafimaadeedka isbitaalka, waa in had iyo jeer marka hore aad rugta daryeel-caafimaadeedka la xiriirta.

Takhtarrada isbitaalada ku sugan aad ayee mushquul u yihiin, sidaas awgeed muddo dheer ayaa la suga. Sida haddii aad u baahan tahay inaad la kulanto qof takhtar ah, raajo ama qalliin awgood.

Markii takhtarka isbitaalka aad la kulmayso waxaad had iyo jeer xaq ku leedahay in lagu ballamiyo qof turjubaan ah.

Is-daryeelid (Egenvård)


Markii aad xannuunsato badi ahaan u ma baahnid daryeelka bukaanka. Dhibaatada waxay noqon karta qaniinida cayayaanka, dilaac yar, qandho ama infeekshan.

Goobta Internetka ee la talieha bukaha (Sjukvårdsrådgivningen) www.1177.selänk till annan webbplats, waxaad ka heleysa naseexooyin iyo talo wajihan wixii aad samayn lahayn. Teeda kale goobta Internetka www.1177.se waxaad heleysa warbixin ku saabsan haddii aad daryeel-caafimaadeedka aad adayso iyo haddii kale.

Waxaa fiican in uu guriga ku yaallo (Detta är bra att ha hemma)


Waxaa fiican in uu guriga ku yaallo saabuun, biyo, sharooto, faasho, naastaha qallinka, bir-qabato, bomaatada kabaabinta iyo dhululubada kala jiidanta.

Haddii cayayaan uu ku qiniini, waxaa wanaagsan in uu hoyga ku yaallo qabtaha cayayaanka, bomaatada qaboojiyeha ah iyo bomaatada hydrokortisonsalva.

Haddii qandho, infeekshan ama dhibaato kale kugu dhacdo, waxaa wanaagsan in uu aqalka ku yaallo heerkulbeegga qandhada, daawooyinka sanka lagu dhibciyo nässprej ama näsdroppar,
kiniiniyada xannuunka hoos u dhiga, kuwa xisaasiga iyo wareerka.

Qoysaska carruurta yaryar leh, waxaa habboon in aqalka uu yaallo dheecaanka loo yaqaanno vätskeersättning kaasoo laga faa´iideysan karo haddii carruurta uu shuban ama matag ku dhaco.

Haddii daawooyin aqalka ay ku yaalaan, waxaa habboon inaad kormeerto oo aad hubsato in aysan dhicin oo weli waxtarayaan.

Isku-dubaridaha arrimaha caafimadka (Hälsokommunikatörer)


Sidii heer sare loogu qaado caafimaadka shicibka awgiis, talis-goboleedka  iyo maamulka degmooyinka Östergötland, waxay shaqaaleyeen isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka, kuwaasoo u hawlgeli doono qaxootida iyo soo-gaaletiyada dhowaan gobolka Östergötland u soo guuray.

Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay ku hadlaan luqooyin kala duwan, waxay aqoon u leeyihiin dhaqamo kala duwan, waxayna aqoon u leeyihiin ammuraha caafimaadka iyo daryeel-caafimaadeedka.

Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay caawiyaan qaxootida iyo soo-gaaletiyada dhowaan yimi, waxay ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen aqoonta daryeelka caafimaadka iyo bukaanka dalka Iswiidan.

Isku-dubaridaha arrimaha caafimaadka waxay qabtaan muxadarro iyo shirar-warbixineed.

Waa warbixin ku saabsan hab-dhiska daryeelka caafimaadka iyo bukaanka dalka Iswiidan, iyo talobixinta raashinka iyo sida qofka u daryeelo ilkahiisa. 

Luqooyinka muxaadaraadka waxay noqon karaan af-soomaali, af-carabi, af-bosni, af.krooati, iyo af-serbi.

Raashinka iyo dhaqdhaqaaqida jirka (Kost och fysisk aktivitet) 


Raashinka wuxuu muhim u yahay caafimaadkayga iyo guud ahaan noolashayda.

Cunnada wanaagsan iyo socsocodka waxaa looga hortaga cudurrada qaarkood sida kuwa wadnaha iyo xidiidada ku dhaca, cudurka sonkorta nooca 2:aad, stroke, cudurrada ku dhaca xubnaha dhaqdhaqaaqa, noocyo kaansarka kamid ah iyo qaar kamid ah kuwa dimirka.

Jirka wuxuu u baahan yahay tamar iyo nafaqo, kuwaaso hab-shaqayntiisa muhim u ah. Hab-shaqaynta jirka waxay heer sare noqonaysa haddii hab joogto ah an u cunno quraac, qado iyo casho iyo xitaa raashinka yaryar.

Hey´adda Livsmedelsverket waxay shicibka kula talinaysa cunnida raashin caafimaad leh, kuwaasoo kamid ah in:

  • Cunnida miraha iyo khudaar badan, ugu yaraan 500 garaam maalintii .
  • Cunnitaan kasta ku cun hal rooti, siiba kuwa buunshada leh.
  • Xulo raashinka ku qoran calaamada furaha cagaaran nyckelhålsmärkta.
  • Badso cunnitaanka kalluunka, ugu yaraan saddex maalmood toddobaadkii
  • Markii cuntada aad karinayso ku isticmaal saliid ama subbagga loo yaqaanno margarin oo dhalaalan.

Qaabka saxanka (Tallriksmodellen)


Qaabka saxanka wuxuu ku tusinayaa sida ugu wanaagsan ee loo cunteeyo.
Qaabka saxanka wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood.
Qaybta koowaa wuxuu ka kooban yahay bataati, bariis ama baasto
Qaybta labaad wuxuu ka kooban khudaar, kuwa nafaqada leh ama miro.
Qaybta saddexaad wuxuu ka kooban yahay hilib, kalluun, ukun, digir iwm.

Dhaqdhaqaaqida badan waxay u roon tahay caafimaadka.
In yar ayaa dhaqdhaqaaqi karta, adigoo socsocdo ama maalin kasta 30 daqiiqo baaskiil wada.
Siyaabaha kale ee aad ku dhaqdhaqaaqi karto waxaa kamid ah orod, ciyaarta kubbada cagta iwm ugu yaraan saddex jeer toddobaadkii.
Carruurta waxay dhaqdhaqaaqi karaan maalin kasta ugu yaraan 60 daqiiqo.

Isbitaalada gobolka Östergötland (Sjukhus i Östergötland)


Gobolka Östergötland waxaa ku yaallo saddex isbitaal.
Kuwaasoo ku kala yaalaan magaalooyinka Linköping, Norrköping iyo Motala.
Isbitaalada dhammaantood waxay leeyihiin daryeel-caafimaadeedka degdegga oo furan habeen iyo maalin iyo maalin kasta.

Universitetssjukhuset i Linköping


Universitetssjukhuset
581 85 Linköping
Rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga waxay ku taalla aagga albaabka waqooyi.

Vrinnevisjukhuset i Norrköping


Gamla Övägen 25
601 82 Norrköping
Rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga waxay ku taalla dhinaca gadaleed ee isbitalka.

Lasarettet i Motala


Lasarettsgatan 37
591 85 Motala
Rugta daryeel-caafimaadeedka degdegga waxay ku taalla daarta A, dabaqada laga soo galo.
Andra webbplatser
Akut svår sjukdom eller olycka:
112 - SOS Alarmlänk till annan webbplats

Akutmottagningar:
Linköpinglänk till annan webbplats
Motalalänk till annan webbplats
Norrköpinglänk till annan webbplats

Vårdcentralen:
Hitta din vårdcentrallänk till annan webbplats

Specialistmottagning:
Hitta rätt mottagninglänk till annan webbplats

Patientkort
Beställ ditt patientkort härlänk till annan webbplats

Sjukvårdsrådgivning:
1177 - Sjukvårdsrådgivningenlänk till annan webbplats

Kost och motion:
Statens folkhälsoinstitutlänk till annan webbplats
Livsmedelsverketlänk till annan webbplats

Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00