9. Qodobada kale ee muhimka ah ogaanshadooda (Annat som är viktigt att veta)

Ku saabsan Hey´adda Socdaalka, magangelyo, qaxooti iyo jinsiyaadka (Om Migrationsverket, asyl, flyktingar och medborgarskap)


Hey´adda Socdaalka waa hey´ad-dowladeed dalka Iswiidan mas´uul ka ah ammuuraha magangeliyada, fiisada dalka Iswiidan, ruqsada degenaanshada dalka Iswiidan iyo ammuuraha jinsiyada.

Hawlwadeneyada Hey´adda Socdaalka waxay go´aan ka gaaraan codsiga magangelyo-dooneyaasha oo iskooda dalka Iswiidan u yimi.

Dalka Iswiidan wuxuu saxiixay baaqi FN:s flyktingkonvention, macneeheeda waxaa weeyaan in dalka Iswiidan u waajib ku yahay in dadyoowga magangelyodooneyaasha iyo qaxootida ah, sida hadba baaqa ku xusan, oo ah qof ka cabsi qabo dabajoog dalkiisa u sabab ah:

  • Qollada u ka dhashay
  • Jinsiyadiisa
  • Diinta iyo siyaasadda u aaminsan yahay
  • Jinsi ama jinsiga uu ka helo
  • Kooxda bulshada u qofkaas ka tirsan yahay

Sida hadba ku xusan baaqa qaxootida, xitaa dadyoowga dhibaatadooda ku tilmaamnayn baaqa waxay magangelyo ka heli karaan dalka Iswiidan.

Xeerka wuxuu faraya in dadyoowga lagu tilmaamay dadyoowga magangelyada u baahan, waa dadyoow oo haysto sabab culus oo cabsi gelisa, taasoo noqon karta xukun dil ama jirdil aad u culus

Waxaa kaloo jira dadyoowga u baahan magangelyo,  taasoo u sabab ah dagaalada dalkooda ka socda ama musiiba ama dhibaatooyin culus dalkooda ka dhacday.

Magangelyo-dooneyaasha dalka Iswiidan yimi, waxay magangelyada ka codsan karaan xadka ama xafiis kamid ah xafiisyada Hey´adda Socdaalka Migrationsverkets ansökningsenheter.

Dal sax ah? (Rätt land)


Baaritaanka ugu horeeyo ee Migrationsverket ku dhaqaaqaayo, waxaa weeyaan haddii sideeda ba aad xaq ku leedahay in dalka Iswiidan aad magangelyo ka codsan karto. Waxaa dhici karto in qofku uu dal kale ku soo hakaday, taasoo waajib ku ah in uu dalkaas magangelyada ka odsado.

Haddii qofku uu san haysan sabab uu magangelyo dalka Iswiidan ugu codsado, Migrationsverket waxay durbadiiba go´aan ka garaysa arrintiisa.

Haddiise arrintisa lagu qiimeeyo in uu magangelyo dalka Iswiidan ka heli karo, wuxuu go´aanku qaadanyaa wakhti dheer. Rajada Migrationsverket waxay tahay in magangelyodooneha uu jawaab helo lex bilood gudahooda, laakinse marmar wakhti intaas ka dheer ayee qaadata.

Qaraabada (Släkt)


Dadyoowga dalka Iswiidan ku leh ruqsada degenaanshada oo doonaayo in ehelkooda loo keeno, waa in laf ahaantooda ay ruqsada degenaanshada soo codsadaan.

Codsadeha wuxuu xaq ku leeyihiin in ruqsada degenaanshada dalka Iswiidan la siiyo, haddii qofkaas ay is-qabaan, partnerskap, la nool qof dalka Iswiidan ruqsada degenaanshada ku leh.

Haddii qofku uu warbixin been-abuur ku salaysan soo bandhigo, waxaa dhici karto in codsiga laga diido.

Dadyoowga da´dooda 18 sano ka hooseeyso (Personer under 18 år)


Dadyoowga da´dooda 18 sano ka hooseeyso  
har waxay xaq ku leeyihiin in waalidiintooda u yimaadaan, waa haddii waalidiintooda ay codsadaan oo ay raali ka yihiin.

Dadyoowga da´dooda 18 sano ka sareeyso 
Dadyoowga da´dooda 18 sano ka sareeyso, waxaa dhici karto in xaaladaha qaarkood ruqsada degenaanshada dalka Iswiidan la siiyo, qaraabo ahaan, haddii qofkaas uu la noolaan jiray qof qaraabo ah oo haatan dalka Iswiidan ku nool.

Adiga waxaa waajib ku ah inaad caddayso in adiga iyo codsadeha qaraabada ah, aad wada nooleedeen intii dalka Iswiidan adan uu soo guurin. Iyo in adiga iyo codsadeha aad leedihiin xiriir sidaas u dhow, kaasoo marna suurtagelin karo inaad laba dal ku noolataan.

Adiga waxaad ruqsada degenaanshada u sabab ah qaraabanimada ka codsan karta, safaaradaha dalka Iswiidan uu ku leeyahay dibadaha ama dalka aad ku nooshahay.

Diidmo (Avslag)


Haddii go´aanka codsiga uu noqdo mid diidmo ah, waxaad go´aanka Hey´adda Socdaalka ka qaadan karta rafcaan. Qoraalka rafcaanka waxaad u soo diraysa Hey´adda Socdaalka, oo go´aan cusub arrinta ka garayso.

Maxkamadda ammuuraha socdaalka  waxay ka arrinsan karta codsigaaga


(Migrationsdomstol kan pröva din ansökan)


Haddii go´aanka Hey´adda Socdaalka ee labaad u noqdo mid diidmo ah, waxay qoraalka rafcaanka u gudbinaysa maxkamadda ammuuraha socdaalka , ku ag taalla Maxkamad-goboleedka rafcaanka [länsrätten] Stockholm, Göteborg iyo Malmö.

Maxkamadda ammuuraha socdaalka waxay kugu yeeri karta adiga iyo qareenkaaga ah iyo wakiilada Hey´adda Socdaalka sidii arrinta looga arrinsado. Maxkamadda ammuuraha socdaalka waxay markaas kadib ansaxaysa go´aankii Hey´adda Socdaalka, ama wax bey ka beddeleysa. Taasoo noqon kart oggolaansho ama diidma go´aan´kii Hey´adda Socdaalka.

Go´aanka Maxkamadda ammuuraha socdaalka rafcaan baa ka qaadan karta, oo u dacwoon karta Migrationsöverdomstolen.
Laakinse Migrationsöverdomstolen waxay ka arrinsata oo keliya arrimaha xeerka muhim u ah.

Jinsiyada (Medborgarskap)


Jinsiyada dalka Iswiidan waxaad ka codsan karta Hey´adda Socdaalka. Shuruudaha jinsiyada lagu codsado waxaa kamid ah, in qofku uu 18 sano buuxsaday, uu caddayn karo aqoonsigiisa, iyo in uu dalka Iswiidan ku leeyahay ruqsada degenaanshada muddo ugu yaraan ah 5 sano.

dadyoowga an dal lahayn waa in dalka ay ku noolayeen muddo ah  ugu yaraan 4 sano. Sidaasoo kale dadyoowga ruqsada degenaanshada lagu siiyay qaxooti
sida hadba ku qoran xeerka ajenabiga.

Waxaa jiro nidaam§ kale ku saabsan carruurta da´dooda ka hooseeyso 15 sano iyo carruurta da´dooda u dhaxeeyso 15-18 sano. Hey´adda Socdaalka waxay xaaladaas ka xisaabinaysa, xilliga cunugga uu ruqsada degenaanshada dalka Iswiidan uu codsaday.

Markii aad dalka Iswiidan imaanaysay haddii ruqsada degenaanshada aad haysatay, waxaa lagaga xisaabinaya taariikhda aad dalka timi.

Hey´adda canshuurta (Skatteverket)


Skatteverket waa hey´ad dowlada u hawlgasha.
Waxyaalaha ugu muhimsan ee Skatteverket qabato waxaa kamid ah
  • ammuuraha canshuurta
  • diiwangelinta shicibka
  • hantida qoyska oo idil.

Skatteverket wuxuu maamula ammuuraha canshuuraha kala duwan ee dalka Iswiidan. Canshuurta daqliga ama shaqada, canshuurta badeecada iyo adeegga iyo canshuurro noocyo kale ah.

Dadyoowga dalka Iswiidan ku nool ee shaqaysta waa in dhammaantood ay canshuur bixiyaan. Daqliga waxaa kamid ah mushahar. Macnaha waxaa weeyaan in canshuur aad ka bixiso lacagta mushaharka.

Teeda kale magdhowga jirroleha iyo magdhowga hawlgabka waxaa laga bixiya canshuur.

Haddii aad filladaada ama aqallada iskaashatada iska iibiso waa inaad canshuur ka bixisa daqliga ka soo gala. Haddii aad iibiso saamiyo waa inaad sannadkii hal jeer, caddaysa daqliga ka soo galay.

Lacagta canshuurta daqliga badi ahaan waxaa lagu maamula degmooyinka iyo goleha dowladda hoose.
Markii badeeco dukaan aad ka soo iibsato waxaa la bixiyaa canshuur, waa canshuur gar ah oo dowladda badeecadaha saarto. Canshuurta waxaa loo yaqaanno moms.Canshuurta badeecadaha iyo adeegga qiyaastii waxaa weeyaan boqolkiiba 25.

Canshuurta daqliga, canshuurta badeecadaha iyo adeegga iyo canshuuraha kale, waxaa loo adeegsada in lagu bixiyo kharashka barwaaqosoonka dalka Iswiidan. Canshuuraha iyo canshuurta badeecadaha iyo adeegga waxaa loo adeegsada hab-dhiska caymiska bulshada, taageerada waxbarashada iyo shabakada badbaadin-bulshodeedka.

Diiwangelinta shicibka waa liis u ku qoran yahay dhamman magacyada shicibka dalka Iswiidan ku nool. Hey´adda Skatteverket ayaa diiwangelinta shicibka mas´uul ka ah.

Diiwangelinta shicibka waxaa ku qoran, magacaaga, tobbanka lambar ee aqoonsiga, adreeskaaga, haddii aad xaas leedahay iyo haddii kale, magaca qofka aad is-qabtiin, carruurtaada, jinsiyadaada iyo taariikhda dalka Iswiidan u soo guurtay.

Warbixinda hey´adda Skatteverket ka diiwan gashan waxay badidooda ka soo xigsata hey´adaha. Hey´adda Skatteverket waxay warbixin-shaqsiyeedkaaga siisa hey´adaha kala duwan, sida CSN, Försäkringskassan iyo hey´adda doorashada.

Diiwangelinta shicibka iyo xuquuqdaada (Folkbokföring och dina rättigheter)


Sidaad dalka Iswiidan xuquuqdaada ku hesho awgeed waa in inaad diwangelinta shicibka iska diiwan gelisa. Sidaaso kale kaalmo-dhaqaaleedka carruurta iyo kaalmo-dhaqaaleedka kirada waxaad heli karta haddii diiwangelinta shicibka iska diiwan geliso.

Heerka canshuurta aad bixin doonto iyo goobta codkaaga aad ku bixi karto, waa hadba deegaanka aad ka diiwan gashan tahay.

Haddii aad doonayso inaad ka qaybgasho qorsheha gogoldhigga iyo kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada, waa inaad marka hore diiwangelinta shicibka iska diiwan gelisa.

Warqadda caddaynta diiwangelinta (Personbevis)


Warqadda caddaynta diiwangelinta waa caddyn badi ahaan laga maarmaan ah, markii aad ku talo jirto inaad xisaab bangi ka furato, koorsooyinka qaarkood aad codsato ama degmo aad kaalmo-dhaqaaleedka loogu talaggalay ku soo dhoweeynta bulshada ka codsato.

Warqadda diiwangelinta waxaad toos ka soo qaadan karta xafiiska canshuurta degmada ku yaallo ama adigoo Skatteverket talefoon u dira ama goobta Internetka ka codsada
www.skatteverket.se

Gurmadka degdegga (112 SOS Alarm)


112 waa lambar aad adeegsan karto haddii xaalad degdeg ah ay jirto, waxaana ka wici karta taleefan caadi ama mobiil, saacad iyo maalin kasta

112 waa lambar aad adeegsan karto haddii qof agagaarkaaga ku sugan u dhulka ku dhaco, ama u dhaco shil iwm.

112 waa lambar aad adeegsan karto haddii gurmad degdeg ah aad u baahato, sida dabdemis, ciidanka booliska gaadiidka bukaan-socodka ama takhtar.

112 waa lambar aad adeegsan karto oo keliya haddii gurmad degdeg ah aad u baahato.
Markii 112 aad wacdo, waxaad heleysa qof oo heegan u ah in uu ku soo diro caawinaada aad u baahan tahay.

Qofkaas wuxuu ku waydiinayaa wixii dhacay iyo adreeska goobta dhacdoonka.

Waa muhim inaad xab xasilan aad u hadasho, oo siiso warbixin sax ah, oona qabyo ahayn, taasoo qofka u suurtagelineyso in uu ku soo diro caawinaadda  u baahan tahay iyo in uu kugu soo hagaajiyo adrees sax ah.

Haddii shil dabkac ah u dhaco, ciidanka dab demiska waa inaad u sheegta haddii u jiro dhawaac-shaqsiyeed iyo tirada dadyoowga dhaawacmay.

Hawlwadeneyada SOS Alarm waxay ku hadlaan af-iswiidishka iyo af-ingriisi. Haddii ay suurtagal noqon karto waxaa la baadidooni kara qof turjubaan ah, laakinse wakhti dheer ayee qaadan karta.

Warbixin faahfaahsan ku qoran luqooyin kala duwan, ku saabsan SOS alarm iyo 112 waxaad ka akhrisan karta goobta Internetka www.sosalarm.se

Ciidanka booliska (Polisen)


Ciidanka booliska wuxuu joojiya dambifal, wuxuu na baara dhacdoonka dambifalka ku salaysan.
Ciidanka booliska  wuxuu joojiya dadyoowga bulshada ku buuqa ama waxyeela nabadgeliyada bulshada.
Ciidanka booliska wuxuu ammangeliya shicibka wuxuu na faafiya warbixin.

Hawlgalka ciidanka booliska wuxuu ku salaysan yahay xeerarka dalka Iswiidan, kuwaasoo baarlamaanka dalka Iswiidan horey u go´aamiyay.
Dowladda waxay sannadka kasta siisa ciidanka booliska amar ku saabsan waxyaalehii wax ay ka qaban lahaayeen.

Haddii fal dambifal ku salaysan lagu geysto, waa inaad ciidanka booliska wargelisa. Haddii gurmad degdeg ah aad u baahato wac 112.
Haddiise arrinta aysan ahayn arrin degdeg ah wac ciidanka booliska 114 14.

Waxaad kaloo booqan karta saldhiiga booliska degmada ugu dhow ama wargelin adigoo goobta Internetka adeegsada.

Warbixin faahfaahsan ku saabsan ciidanka booliska ka akhriso goobta Internetka:
www.polisen.se

Is-ammaangeli traafikada (Var säker i trafiken)


Dhammaan dadyoowga ku sugan traafikada, sida baabuur-wade, baaskiil, mootada fudud, ku socda baas ama lugeynaayo waxaa laysu yiraahda trafikanter.

Suunka ammaangelinta iyo ruqsadda baabuur-wadida (Bilbälte och körkort)


Xeerka wuxuu faraya in qof kasta oo baabuur fuula waa in uu suunka ammaangelinta uu xirta, ama ha fadhiyo qaybta hore ama gadaal. Teeda kale boosaska baabuurka oo idil waa in ay leeyihiin suunka ammaangelinta.

Tirada rukaabka baabuurka waa in aysan ka badnayn tirada ku qoran registreringsbevis ee baburka.

Baabuur wadeha waxaa waajib ku ah in, had iyo jeer u sito ruqsadda baabuur-wadida.

Khamri iyo maan-dooriye (Alkohol och droger)


Weliga ha wadin baabuur markii aad khamri-cabsan tahay.
Maalinta ku xigta maalinta aad khamri cabtay marna baabuur ha wadin.
Waa mamnuuc inaad baabuur wado adigoo khamri cabsan ama darooga ku isticmaalay.
Waxaa lagugu xukmi kara xabsi.

Xawaaraha (Hastigheter)


Boorarka xawaaraha waxaa ku qoran xawaaraha lagu oggol yahay inaad ku wado. Haddii xawaare xad-dhaaf ah baabuurka ku wado, oo ciidanka booliska gacanta kugu dhigo, ku talagal ciqaab. Xawaarada xad-dhaafka waxay soo-jiidata shil.

Carruurta iyo baabuur (Barn i bilen)


Carruurta baabuurada ku socdaala waxay u baahan yihiin badbaado dheeraad ah, carruurta dhirirkooda 135 sentimeter ka hooseeyo waa in ay ku isticmaalaan kursiga dhallanka babyskydd, kursiga carruurta, kursiga suunka bältesstol ama barkinta suunka bälteskudde.

Ammaanka ugu heer sareeyo waxay carruurta heli karaan haddii gadaal loo jeediyo. Carruurta yan marna la fadhisin booska leh barkinta shilka krockkudde.

Baaskiil (Cykel )


Sannad kasta baaskiilwadeyaal tiradooda garayso 4000 ku nool dalka Iswiidan ayaa isbitaal lagu daryeela.
Sidaas awgeed, dhallinyarada  iyo carruurta da´dooda 15 sano ka hooseeyso dhammaantood, waa in ay adeegsadaan kullad markii ay baabuur-wadayaan. Ama lagu kaxeeyo kursiga baaskiilka ee carruurta loogu talagalay.

Kullad  waa qalab shilalka looga badbaado, oo xitaa dadwaynaha ka faa´iideysan karaan. Maadaama baaskiilwadeyaal tiradooda garayso 4000 oo dhawac maskaxeed awgiis isbitaalada lagu daryello.

Baaskiil kasta waa in uu leeyahay fareenno iyo kambanello. Haddii goob mugdi ah aad baaskiil ku wadayso, waxaa waajib ku ah in baaskiilka u leeyahay qalabka humaaq-noqodka ah ee loo yaqaanno reflexer iyo nal, qaybtiisa hore iyo dambe ba. Haddii baaskiilkaaga usan lahayn qalabyadaas waxaa dhici karto in lagu ganaaxo.

Baaskiil-wadeyaasha waa in baaskiilad ku kaxeeyaan isla dhinaca baabuurad lagu wado. Dhinaca midigta ee wadada.
Baaskiil waa in lagu wadin goobaha dadyoowga maraan.

Qalabka humaaq-noqodka wuxuu waxtara markii mugdi u jiro  (Reflexer är bra i mörkret)


Qalabka humaaq-noqodka wuxuu suurtageliya in gadiidka aad ka muuqato.
Markii mugdi, ceeryaammo, roob ama baraf  u jiro, ayaa waxaa dhici karto in hab fudud aadan ku arki karin qofka wadada maraayo, waa haddii qofkaas usan sidan qalabka humaaq-noqodka.
Tirokoob lagu qiyaasay kan saddexaad wuxuu ku dhaca qof goob mugdi ah ku sugna.
Andra webbplatser
Regionförbundet Östsam
ansvarar för webbplatsen.
Box 1236, 581 12 Linköping,
office@ostsam.se, 013-25 56 00